Sawirka Fahad Yaasiin

Ku saabsan Fahad Yaasiin:

Fahad Yaasiin wuxuu dhashay dhammaadkii 1970-meeyadii, wuxuuna kamid yahay shaqsiyaadka noloshoodu ay martay saddex marxaladood oo xirfadeed oo muhiim ah: diinta, warbaahinta, iyo siyaasadda.

Shaqadiisii ugu dambeysay, Fahad wuxuu noqday La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wuxuu sidoo kale soo qabtay xilal muhiim ah sida Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka, iyo Taliyaha guud ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA). Doorarkiisa siyaasadeed waxay salka ku hayeen arrimaha amniga, istaraatiijiyadda qaranka, iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Intii aanuu ku biirin dowladnimada, Fahad Yaasiin wuxuu lahaa taariikh dheer oo warbaahineed. Wuxuu ahaa wariyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka hawl gala telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera, halkaas oo uu muddo ku dhow 12 sano ka shaqaynayey. Wuxuu shaqada ka bilaabay inuu noqdo wariye, wuxuuna uga sii gudbay xil maamul, isagoo noqday madaxa xafiiska Aljazeera ee Bariga Afrika, oo uu ka maamulayey hawlaha warbaahinta lix waddan. Dabadeeto, wuxuu ku biiray xarunta cilmi-baarista ee Aljazeera, halkaas oo uu qoray cilmi baarisyo muhiim ah oo taabanaya arrimaha gobolka iyo caalamiga.

Kahor Aljazeera, Fahad wuxuu tifaftiraha ka ahaa mareegta caanka ah ee Somalitalk.com, wuxuuna si joogto ah ugu daabici jiray maqaallo siyaasadeed iyo sheekooyin taxane ah oo bulshada si weyn u xiiseyn jirtay. Sidoo kale, wuxuu qoraallo iyo warbixinno ku saabsan siyaasadda iyo arrimaha bulshada ku qoray wargeysyada Afka Carabiga ugu caansan sida Alsharq Alawsat, Alquds Alcarabi, iyo Alfurqaan. Wuxuu sidoo kale waqti la shaqeeyay laanta Carabiga ee BBC, isagoo ahaa wariye madax banaan.

Noloshiisa xirfadeed waxay ku bilaabatay dhanka diinta. Qaybtii hore ee noloshiisa, Fahad wuxuu si qoto dheer ugu hawlanaa barashada iyo fidinta diinta Islaamka. Wuxuu cilmiga diinta ka bartay culimo waaweyn, kadibna wuxuu noqday macalin Quraan, wuxuuna aasaasay dugsiyaal badan oo Quraan ah. Waxa uu sidoo kale noqday Imaam, halkaas oo uu sanado badan tujiyey salaadda faralka iyo taraawiixda. Arday badan ayaa ka aflaxay dugsiyaashii uu dhisay, kuwaas oo Quraanka si buuxda u xifdiyey.

Fahad Yaasiin sidoo kale waa qoraa, wuxuuna qoray afar buug. Buuggiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa “Sooyaalka Suubanaha (Calayhi Salaam)”, oo si qoto dheer uga hadlaya nolosha iyo siiradii Nebi Maxamed (Calayhi Salaam).

Fahad Yaasiin waa aabbe iyo awoowe leh qoys ballaaran.