Buugaagta

๐’๐Ž๐Ž๐˜๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐’๐”๐”๐๐€๐๐€๐‡๐€

Maskaxda aadanuhu waxay ugu curin iyo hal abuur sarraysaa marka ay firaaqo noqoto oo shaqooyinka maalinlaha ah ay ka yaraaadaan.

Labadii sano ee ina dhaaftay waxaan uga faaโ€™iidaystay xoogeyga iyo waqtigeyga inaan qalinka u qaato qof sooyaalkiisa wax laga qoro qofka ugu mudan, ugu sharafta badan, uguna ajarka badan Xagga Eebbe Weyne.

Waa qorista Buug aan ugu magac daray. ๐’๐Ž๐Ž๐˜๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐’๐”๐”๐๐€๐๐€๐‡๐€ ๏ทบ . Wuxuu ka kooban yahay ๐Ÿ๐Ÿ ๐œ๐ฎ๐ญ๐ฎ๐› oo si habsami leh isugu taxan, kana warramaya siiradii iyo sooyaalkii Suubanaha ๏ทบ.

Waxa uu ka bilaabmayaa dhalshadii Nebiga ๏ทบ ilaa dhammaadka noloshii Suubanaha, waxaana ku dadaalay inaan daaha ka qaado casharrada muhiimka ah iyo dhacdooyinka ku habboon in la dul istaago waxna laga dhuuxo.

Waxaan Alle ugu mahadnaqayaa waafajinta uu i waafajiyey hawshaas, waxaan kaloo rejaynayaa in ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฒ๐š๐š๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐’๐ฎ๐ฎ๐›๐š๐ง๐š๐ก๐š ๏ทบ uu noqdo mid halkiisa ku gaara qof kasta oo Soomaali ah marka uu kasoo baxo heerka daabacaadda.

๐€๐ฅ๐ฅ๐ž ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ก๐š๐ย ๐ฅ๐ž๐ก

Back to top button