Faalladii HoreFaalloo

π’πˆπƒπ„π„πƒ 𝐃𝐀𝐑𝐄𝐄𝐍 𝐈𝐘𝐎 π’πˆπ˜π€π€π’πˆπ˜π€πƒπ——π€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€:

Maxaa Ka Dambeyn Kara Ceyrintii Wakiilka Qaramada Midoobay?

  1. π—–π—œπ—œπ—Ÿ π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa dareemaya mucaaradkii shalay ee Wareegii 2aad iyo 3aad dhistay Xasan Sheekh.Β 

  1. π—›π—¨π—‘π—šπ—’π—’π—ͺ π—¦π—œπ—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa dareemaya qof kasta oo ismoodsiiyey Xasan Sheekh baad wax la leedahay ama waad la yeelan kartaa, iyo dadkii filayey in odayga sidii hore kasoo raynayo.Β 

  1. 𝗀𝗔𝗑𝗔𝗔𝗖𝗒 π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa ku qaba dowladda Xasan Sheekh, hal qof oo kaliya, waana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka laftiisa.Β 

  1. π—šπ—¨π—¨π—Ÿ π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa ku fadhiya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Awoodo idmanna waa la siiyey, waqti kuma socdo, markay rabaana waa guuri karaan.Β 

  1. 𝗠𝗔π—₯𝗀𝗔𝗔𝗑 π—¦π—œπ—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waa farxad ku meel gaar ah oo dhadhankeedu dheer yahay, kolka aad ka soo baraarugtana aysan waxba ku soo raacaynin. Xaaladdaas waxaa ku dhex nool Ra’isal Wasaare Xamse Cabdi Barre.Β 

  1. 𝗀𝗨𝗨𝗦 π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa gaaray Beesha Caalamka, waxayna bilaabeen iney is weydiiyaan sidee u ekaan karaa mustaqbalka dalkaan?Β 

  1. π—ͺ𝗔π—₯π—˜π—˜π—₯ π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa khaati billaahi iyo rafaad taagan dowladihii jeclaa iney Soomaaliya caawiyaan ama xiise gooni ah u hayey Xasan Sheekh.Β 

  1. 𝗠𝗨π—₯π—¨π—šπ—’ π—¦π—œΜ‡π—¬π—”π—”π—¦π—”π——π—˜π—˜π——

Waxaa niyad jab, rajo xumo iyo caro isugu darsoontay shacabka. Kuwii noolaa dhulalkii ay degenaayeen baa laga qixiyey, kuwii aasnaana waa lasoo faagay. Dhulka korkiisa iyo hoostiisa insaankii joogay xaalad murugo siyaasadeed baa wada haysta.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button