Hargeysa waa magaalo aan jeclahay jawigeeda macaan, sidoo kale waa goob uu qofku hurdo fiican iyo cunto dhadhameysa ka helayo. Waxaan ku sugnaa sagaal cisho oo ku aadan dhamaadkii bishii labaad ee sanadkan.
Waayadaas waxaa Hargeysa buuq weyn ku hayey is-qab-qabsiga Siyaasadeed uu dhaxeeyey xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya. Waa jawi siyaasadeed oo ku tusanaya bisaylka mujtamaca goboladaas ku dhaqan. Waxaa kuu muuqaneysa in R/Hargeysa ay nidaam iyo kala danbeyn ku hormarayaan, halka R/Koonfurna aad isleedahay kaligii taliyena haxukumee yaa noloshaan xun kasaara.
Qaar kamid ah Aqoon-yahanka Hargeysa ayaan ku iri: Daahir Riyaale waxba ha ku kicina, waayo nimco aydanan hadda u jeedin ayaad haysataan oo ah nabadda, haddiise buuqu bato taas ayaad waayi doontaan. Sababtoo ah ruuxa isbadal doonka ah waxaa fiican inuu aad uga fakaro natiijada ka dhalan karta marka aad ku guuleysato isbadalka, haddiise uu qofku uusan taas aad uga fakarin sidii Soomaaliya ku dhacday ayaa ku dhacaysa


