Xamar waxaa ka dhisan ilaa dhawr Maxkamadood oo wada Islaami ah, waxayna leeyihiin hogaan midaysan oo loogu magac-daray Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, inta badanna iskumeel ayey wax ku wadaan.
Fursadda kaliya ee maanta u furan dadka ku nool Muqdisho waa iney wakhti-siiyaan Maxkamadaha Islaamiga ah ee hadeerba awooda ku dhax leh magaalada. wakhtiganba nabad-galyada caadiga ah iyaga ayaa haga, ciddii wax laga dhaco, ama wax laga dilo, ama dhib kale sheeganaysa waxay u xukun-tagaan Maxkadamaha Islaamiga, iyagoo kahela intii ay awoodaan.
Nabadda yar ee hadda kajirta Xamar waxaa qaybta ugu weyn leh, dadaalka Maxkamadaha Islaamiga ah ee ay uga hortagayaan khal-khalka amni-darrada ah ee ka jira aagaga ay ka taliyaan.
Waxaan shaki kujirin, haddii fursad hal bil ah la siiyo midowga Maxkamadaha Islaamiga ah iney wax weyn ka qaban-karaan xal u helida nabad-galyada Muqdisho. Waa la ogahay saamaynta caalamiga ah ee ay yeelan-karto, waxaase taas lagu xalin-karaa marka ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ay ku ekaadaan hawsha muqadaska ah ee ay qabana-yaan, sidoo kale qaabka ay kalsooni uga bixin karaan ineysan han siyaasadeed uga faa’iidaysan-doonin haddii ay nabada xal u helaan, waana qaabkii ayba ku soo guulaysteen intii ay hawsha u hayeen umadda.
Tijaabooyin kala duwan waa loo soo galay sidii nabad looga dhigi-lahaa Xamar, kuligoodna waxay ku dhamaadeen khasaare iyo mushkilad horleh, sidaas-awgeed maxaa diidaya inaan fursad siino Maxkamadaha Islaamiga ah, si’ay wax uga qabtaan xaalada murugsan ee ka jirta Muqdisho.