Maqaallada

JABHADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH. 

Dad-dilayaal kooxo badan kala ah baa inta meel la’isugu geeyey lagu yiri: Dadkaad dili jirteen sidaad dilka uga dayn lahaydeen ka’arinsada. Dadkii bey eegeen, dunidii bey fiirsheen, iyagii baa hadana is-dhugtay, kolkaasey iska soo dhex saareen koodii dad dilidda u bilaabay, dunidiina waxay ku yiraahdeen: Waxaan dhisanay dowlad uu madax ka yahay macallinkii sixirka baray.

Bulsho weyntiina rajo ayaa gashay, armaa xal la helaa ayey is yiraahdeen. Xaalkooduna wuxuu u ekaaday sidii laga sheegay oday matukade muddo dheer ahaa baa markii danbe masjidkii galay, wuxuu maqlay Imaamkii oo leh, garbaha iyo gumadaha hala isku dhajiyo. Ninkii dadka ugu dhawaa ayuu inta ku jeestay ku yiri:  Oo maxay tahay sababtu? Wuxuu ku yiri: Shaydaanku inuusan nakala dhexgalin ayaa saas loo yeelayaa. Salaad bilaabihii oo yaaban ayaa yiri: Oo Shaydaan hadduu tukanayo maxaa loogu diidayaa? Haddeer shacabku wuxuu xaalkoodu yahay kuwii shalay naleynayey hadday dowlad noo dhisayaan maxaa loogu diidayaa?

Habaynkey doorashadu dhacday oo natiijadii la sheegay ayuu nin saaxiibkay ahi igu yiri: War bal warran. Waxaan ku iri, waa inoo shan sano dabadeed iyo shir. Ninkale oon mardanbe uga qiseeyey hadalkaas ayaaba iga sii daray oo yiri: Alla war li’idaa. War waa madaxaa haku furto. Duqo intuu noolyahay meelna uma socdo.

Sidaasay tahay quluubtii waxgaradka Soomaalida waxay guddoon-satay yaan laga hor iman dowladan, hana lasoo dhaweeyo, sababtoo ah, wax la’aan wax xun baa dhaamaa, horaa waxaa loo yiri: Ninbaa nin kale ku yiri tol xumo, kiina wuxuu ku jawaabay tol laawe. Marka waxay u egtahay dowlad la’aan intii nala dhihi lahaa dowlad xumo-yaal hanalagu sheego.

DAD DOWLAD RABA IYO DOWLAD AAN DAD RABIN.

Waagii layiri Madaxweyne ayey Soomaalidu dooratay, qaybihii kala duwanaa ee bulshada ayaa dhamaantood soo dhAweeyey, waxay noqotay burburkii kadib dowladii ugu horeysay ee ay dadku soo wada dhaweeyeen.

Culimada Soomaalida waxaa u hadlay Sh. Cumar Faaruuq oo dadweynaha ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaali u dhalatay. Ganacsatadiina baaqyo ayey kasoo saareen Dubay iyo Muqdisho oo cadeeyeen iney taageerayaan maamulka cusub. Aqoonyahan-kiina shirkoodii Nayroobi ayey taageero buuxda uga direen dowladda. Dowladani wali lama hayo qof  Soomaali ah, dabaqadduu rabo ha’ahaadee,  oo yiraahda dowladan ma’aqoonsani, marka laga reebo walaalaha W/Galbeed.

 Xamar uma socdo. Xabashi ayaan dadka hubka uga dhigayaa. Xoog mooyee xod-xodosho la’aan, wa astaamaha dowladdan cusub.

DOWLAD JABHADNIMO ISU BADASHAY.

Shirkii dhawaa ee Barlamaanka wuxuu la soo baxay dhawr qodob.

kooxihii dib-u-heshiisiinta loo qabtay ooba kala maarmay ayaa muuqatay. Shirkii Qaahira C/Laahi Yuusuf iyo Aadan Gabyow ayaa ka baxay hawshii iney guulaysan weysana ayagay sababsatay. Cartana goortii ay diideen dagaal oga-yaashii waa tay gacaha ku socon weysay. Maantana Dowladan iyagoo banaanka jooga ayey ka maarmeen qaybo badan oo caqabad ku noqon kara dowladdii. Marka Jabhad-nimo ayey dooratay.

Dowladdii Carta lagu soo dhisay goortii wakhtigeedii dhamaaday ayey isku dhacii ugu horeeyey bilaabeen, gaar-ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, tanna iyadoon dhalan bey dhiciskii ka hor dirireen. Talow maxay ku danbeyn doontaa? Malaha jabhadnimo.

Fadhigii dhawaa wuxuu bilaabay in lakala maarmi karo, haddii Shariifkii laga tashaday, waliba isagoo meel u dhaw jooga, taasi waxay keeni kartaa in isaguna uu ka maarmo ragga kale ee dowladda ugu sareeya.

Baydhabo oo hada dagaal fool u ah ayey dowladdu dagaysaa baa la go’aamiyey. Xamarna waa meel aan ladagi karinna waa lagu dhawaaqayaa. Sidaasi waxay kuu muujineysaa in maskax aan Soomaali ahayni ay talada dalka hayso.

Dowlad-nimo magaceed iyo wada socod wixii lagu waayey miyaa lagu heli doonaa Dalxa oo shir guddoon ah. Geeddi oon horay uga mid ahayn kuwii caqabadda ku ahaa dowladnimada. Iyo C/Laahi oo raba inuu adkaado ama uu dhinto isagoo jidkii adkaanshaha haya.

BAYDHABO KA BILOW KUNA DHAMAYSO.

Waxay dad badani isleeyihiin duqu hadduu Madaxweyne helay waa xiligii uu nasan-lahaa, laakiin sidaasi manoqone, wali inuu dagaal sii wado ayuu diyaar uyahay, sidii uu ku sheegayba khudbadiisii koowaad.

Qadarta ilaahay, waxaa yaab leh, Baydhabadii uu dagaalka firkadiisa ku bilaabay ee uu Madaxweyne-nimo ku gaaray, ayuu mindhaa isyiri, hadana hadaad dagaal-kaada Baydhabo ka bilowdo, mindhaa sidaad Madaxweyne ugu heshay, ayaad dalkana ku dajin doontaa.

MADAXWEYNE SHEEKH NOQDAY. R/WASAARE AW NOQDAY. IYO SHEEKH SIYAASI NOQDAY.

Darajada Sheekh: Culimadii hore waxay u taqiinay ninka quraanka yaqaan, cilmigana minhaajka ka gaaray, dhaxalka, magta, iyo tuftana toosin-kara. Wahaabiyadase waxay Sheekh u taqaan ninkii Tafsiirka Quraanka yaqaan, kutubta sunanta iyo saxiixayn-ka akhrin kara.

Darajada Aw: Culimadii hore waxay u taqaanay ninka quraanka wax uga bilaaban-yihiin, meherka iyo tuftana ku aadi kara. Wahaabiyaduse magacaas inuu darajo diineed yahay uma aqoonsana.

Shaqada Siyaasada: Culimadii hore waxay u taqaanay beenloow, khiyaanoole, iyo fitna ka shaqeeye. Wahaabiyaduse waxay u taqaan hadba shaqada uu hayo siyaasigaas, oo haduu xumaan wadana waa siyaasi xun, haduu wanaag wadana waa siyaasi fiican.

Asbuucii dhawaa waxaa dhacay dhawr qiso oo layaableh, kuligood wax aan lawada filayn ayey ahaayeen. Hadaadan horay ugu fiirsan aniga iga koobi hadeer, oo hadaad sidaydoo kale la yaabto waa sidii aan ka rabay fariintan.

Jawhar ayaa waxaa tagay xayn Culimo Suufiyo ah ayagoo hordhoobtay qasrigii Madaxtoodaya ee degmadaas. Xatro iyo dikri ayey halkii ku akhriyeen.

(Hadaan kuu fasiro Xatro iyo dikri, horta waa laba magac oo isu dhaw, Sh. Cumar Faaruuq ayaa la su’aalay dikri waxa la dhaho, wuxuu yiri haddii af carabi lagu hadlo dikri waa xuska eebbe weyne, hadiise afsoomaali laga dhigo waa dheel culimo). 

Waxaa usoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh C/Laahi Yuusuf iyo R/Wasaare Aw Cali Maxamed Geeddi.

Xadaradii markii la bogtay ayuu Sheekh C/Laahi meeshii ka hadlay, hadaladii uu yiri waxaa ugu muhimsan ( Diintii Nabi Maxamed S.C.W. ee Kitaabka Quraanka ah iyo Sunadiisii wax ka danbeeyay ninkii noo keena ka yeeli-mayno)

Waa hadal ku cusub afka askarigii Soomaaliyeed ee haatan noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa ku kalifay lama-yaqaan, waxaase loo maleeyey inuu soo xusuustay xiriirkii uu awalba lalahaa xerta timaweynta ee uu Sheekhoodii dhawaantan geeryooday.

Sheekh C/Laahi hadal toosan ayuu meeshii ka jeediyey, darajada Sheekhna waxaan u siiyey hadalkaas saxda ah ee uu yiri. Wuxuuse warkiisii ka xumaaday gadaal, oo wuxuu raaciyey, qoladan rabta iney diinta ku qaraabato ka yeeli-mayno, kuwa magacyada diineed wata ee danaha gaarka ah u usocda ka yeeli-mayno. Intaan danbe waxay na xusuusiyey Askari C/Laahi, iyo sidii lagu yaqaanay oo uu mar walba dhihi jiray, iskusoo wada duuboo wuxuu ahaa hadal horudhac fiican leh, asii gadaal ka kharribmay.

Waxaa hadalka qabsaday Aw Cali Maxamed Geeddi wuxuuna meeshii ka yiri hadalkan ( Culimadu waa iney dowlada taageeraan, anaguna Culimada waan soo dhaweynaynaa waana loobahanyahay) intaas markuu yiri ayuu hadal kale gadaal ka sii raaciyey, oo wuxuu yiri: Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira wadanka meelo kamid ah waan taageersanahay.

Waa sidii aw lagu yiqiinayee wuxuu khilaafay qaabkii Sheekhiisii wax u rabay, oo kuwii uu Sheekh C/Laahi ku sheegay iney hubka sitaan, ayuu isna leeyahay waan taageersanahay. Waxaan is iri malaha waa mas’ala gaab-nidii lagu yiqiinay Aw cilmid barad ah.

Labadaas dhacdo waxaa garab socotay Sh Xasan Daahir aways oo ku caanbaxay faafinta Diinta Islaamka ayaa isna ka qayb-galay shir ay isugu imanayeen kooxihii Soomaaliya la dagay, ee dagaal-oogayaasha loo yiqiinay. Balcad ayuu Sheekhu tagay, isagoo maalintaas lasoo baxay shaar kale oo ah inuu yahay Siyaasi kamid ah kuwa ka jira koonfurta Soomaaliya

 

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sidoo Kale Eeg
Close
Back to top button