Maqaallada

ISAGA MAXAA LA GUDBOON:

Haddii aad C/Laahiyoow qirtay inaad tahay ninkii ugu horeeyey ee dowladii Soomaaliyeed mucaaradka ku noqday oo aad ka hor sheegtay goobo caalami ah, walibana aad tiri hadalkii xikmadda noqday ee ahaa, hadaan sidaan filayo ma’aanan noqdeen mucaarad, oodna hadalkii ku soo gabagabeysay maanta xal ayaan diyaar u ahay. Si hadal-kaagaas loo rumaysto, xalka Soomaalidana loo helo, adiguna wixii hore aad ka qubaysato, maanta waxaa sharaf weyn kuu ah inaad goob layaqaan ka tiraahdo: Soomaali waxaan ka codsanayaa iney i cafiso, si la ii rumaystana, dhisme unbaa ka shaqaynaya inta cimrigeyga ka dhiman, maadaama 28.sano oo xiriir ah aan Soomaali dhibkeed ku mashquulsanaa, wakhtigan laga bilaabo waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed.

Waxaan kuu balan qaadayaa hadii aad sidaas yeesho, in aad umadda Soomaaliyeed cafis iyo xushmo ka heli doonto. In taariikhdaada dhinaca wanaagga ah laga qori doono. Xalka Soomaalidana uu si degdeg ah ku iman karo.

Haddiise aad taladaas diido oo aad ku adkeysato musharax-nimadaada, waxaad ogaataa ifafaalaha hadeer muuqda inuusan kuu tilmaameyn dabeyl wanaagsan, murugo aan hadda ku haynna aad lakulmi doonto kadib marka ay Soomaali ku tiraahdo wakhtigaagii adaa cunay.

Wax kasta waa la fishaaye haddii nasiib-kaagu wanagsanaado oo aad noqoto Madaxweynaha Soomaaliyeed, waxaan ku qanci doonaa in Soomaali ay maanta meel xun ka dhacday. Aniguna nasiib xumo aan lakulmay.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sidoo Kale Eeg
Close
Back to top button