Waxaan damcay asbuucaan inaan Qalikeyga kana- siyo ka hadalka Siyaasadda, anoo is iri bal dhankaas iyo suugaan-yahannada u leexo. Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) wuxuu kamid-yahay Aftahanna ay Soomaalidu ku faanto. Gabyaa hal-adag weeye. Dadka yaqaanna waxay ku tilmaameen inuu yahay nin mabda’a uu aamino ku kalya-adag, oo isku daya iney dadku qaataan. Naf iyo maalna wuxuu u huraa meel-marinta Diinta Islaamka. Wuxuu kamid ahaa xertii ka aflaxday Sh. Nuur Cali Colow, oo ah Aabihii iyo saldhigihii Wahaabiyada, dad aad ugu dhawaa Sheekh Nuur-diin Alaha u naxariistee ayaa ii sheegay in Bacadle uu kamid ahaa raggii uu sida gaarka ah u jeclaa Sheekhu.
Goortii Bacadle uu kamid noqday Wahaabiyada, wuxuu go’aansaday inuu faafiyo Tawxiidka, meelna uga soo haro Suufiyadii ku hawlanayd iney u dhaxeeyaan dadka iyo ilaahay, si ay qurbaan iyo nolol joogta ah uga helaan. Bacadle wuxuu tirin-jiray Gabayo tiro badan, oo dhamanatood kusoo wada biya shubaynaya in ilaahay kaligiis la baryo.
Qaabka uu gabayada u tiriyo oo ah si dadka soo jiita, aadna loo xiiseeyo ayaa ka qayb-qaadatay inuu helo dad badan oo wax fahma, saaxiibadiisii Wahaabiyada iyagoo masaajidda un ku kooban oo aan shacabka xiriir weyn lalahayn ayuu Bacadle suuragaliyey in Wahaabiyadii ay u gudubto sheekada dadweynaha, iyadoo suugaan ahna ay dadku isku tabinayaan.
Dhinacaas haday tahay dhankiisii wadaad-nimada, waxaa jira dhinac kale oo uu Bacadle ku muuqday oo ah inuu yahay gabyaa Siyaasadda Soomaalida ka hadla oo talo iyo tusaaleynba ku darsada, dhamaan dhacdooyinkii ay Soomaalidu soomartay wuxuu ku lahaa tixo aan la ilaawin, isagoo muujinaya si toos ahna u taageerayey fikradda uu qabo, wuxuuna tirin-jiray gabay saameeya qofkii dhagaystaba.
Wuxuu kaloo siweyn uga dhexmuuqday isballadii ka jiray Muqdisho, waxaa lagu xantay inuu garab u noqday Caydiid oo uu la jirsaday waagii uu Maraykan la dagaalamayey. Mar aan lakulmay waxaan weydiiyey waxa uu kaqabo tuhunkaas, wuxuuna iigu jawaabay, wali inaan ku saxsanahay ayey ila tahay, maxaa yeelay Maraykan iyo Caydiid waxaa iisokeeya Caydiid, waxaana u arkay ladagaalanka Maraynka inuu ahaa mid xaq ah ileen iyagaa wadankeenna si gardarro ah ku yimid. Waxaan ku iri majiraa gabay aad tirisay ood ka cudurdaraneyso una aragto inuu khaldanaa? Wuxuu yiri. Gabaygii aan ka tiriyey dagaaladii Bari ku dhexmaray wadaadada iyo S.S.D.F.tii ayaan u arkaa inuu ahaa mid aan ku khaldamay, sababtuna waxay tahay sidii aan hadalka u waday ma’ahanee si kale ayaa loo fasiray.
Abshir Bacadle waxaan lakulmay sanadkii 2000. mar aan booqasho ku tagay Muqdisho, Waxaan sheekeysannay muddo saacad ku dhaw, wuxuu ahaa nin dabci macaan, dalka iyo dadkana aad uga naxa, sheekadiisa waxaa ka muuqatay tiiraanyo iyo layaab uu ka yaabanyahay halka uu ku danbeyn doono mustaqbalka Soomaalida.
Bacadle wuxuu ku caanbaxay inuu ka gabyo wax badan oo Soomaalida tabanaya, dad badan ayaa hada is weydiinaya maxaa waayadan aamusiiyey? Maxaa Bacadle u diiday inuu ka hadlo isbadalla cusub ee ka jira Siyaasadda Soomaalida. Waxaa lamooday inuu la’yahay dhacdo uu ka hadlo sidaasna uu shib u yiri, sidaas darteed ayaan waxaan is iri suuragal matahay inaad Bacadle lahadasho ood tiraahdo: Waxaad tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh.
Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)
Isha Sawirka iyo gabayada: Hobyonet
Qaar kamid ah Gabayadii Bacadle:
Xuquuqul Insaanka
Dib u heshiisiinta
Habaarka Ameerika & Amxaarada
Khiyaanooyinka Unisom & Ameerika
Ilaaheyse Mahad baan u Qiray
Ta’dii Bermuuda
Sagaal walxaato Dha’ ku taal
Qaadow Adigaa Leh
1. Soomaali dowlad ayey ku dhisatay Nairobi, waxaana la doortay C/Laahi Yuusuf inuu Madaxweyne Soomaali u noqdo. Sow ma’ahan dhacdo muhim ah oo ay haboontahay in tix laga tiriyo.
2. Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lahadal hayaa iney soo galayaan Soomaaliya, iyagoo taageeraya dowladan cusub ee loo soo wado dalka. Waxaadna hadda ka hor tirisay gabay aad ku taageereyso Afgaanitaan una digayso Maraykanka, ood ku leedahay Muslimku wuu soo jeedaayee hakadsoomina, taas hadaad ka hadashay, dalkaaga waxa ku soo socdo sow mahaboona inaad ka gabaydo.
3. Dallada Culimadda Soomaalida ee Muqdisho, waxay khalad weyn ku tilmaameyn in ciidamo ajnabi ah lakeeno dalka Soomaaliya. Waxaa taas garab socotay hanjabaadii Sh.Xasan Daahir ee ahayd hal askari oo ajnabi hadduu wadanka soo galo waan ku jihaadeynaa. Hadaba maxaa ku aamusiyey adoo ah Aftankii Wadaadada Soomaaliyeed.
4. Dakadda iyo Garoonka Muqdisho dad Soomaali ah ayey u xiran-yihiin, waxaa laga-yaabaa haddii aad hal-tix tirin-lahayd iney xishoon-lahayeen, ee bal hal mar burhan-taadii ku soo kici.
5. Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su’aashuse waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas haysta.
Waxaan ogahay in Dr Maxamed Xuseen Macalin uu daabacay Diiwaankii gabayadaadii, isagoo ku soo uruuriyey Maan-sooyin-kaagii, wuxuu noqday buug ay Soomaalidu aad u jecleysatay, marka ma diiwaankaagii goortii la daabacay ayaad iska xirtay gabay oo dhan? Hadaad go’aankaas gaartay ma’ahan mid aan kula qabno, waxaadna ogaataa hibada ilaahay ku siiyey ee ah hal abuur-nimada ineysan ahayn hanti aad kaligaa leedahay, ee ay tahay mid aan kula wadaagno, kuumana banaana inaad kaligaa go’aan ka gaarto. Sidaas awgeed maanta waa markii ay kuugu baahi badnaayeen shacabka Soomaalida, ee banaanka soo dhig murtida kugu aasan ee aad xannibaada ku hayso. Waxaan sugayaa adigoo mar dhaw soo burqado oo jidka noo jeexa.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Info@fahadyasin.com
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 27, 2004