Wariye Soomaaliyeed ayaa yiri.
(Asbuucii hore ayaan soo tabinay gabar Soomaaliyeed oo deganayd Norway in ilmaheedi xoog looga qaatay. Arintaan ayaa dad badan oo jooga dibadaha ku tilmaameen wax aan cuntami Karin, sidaa darted ayaa la ii diray bal inaan magaalada gabadha degan tahay(Trondheim) oo Oslo u jirta 8.Saacadood oo Treen ah u safro oon soo baaro arinka. Waxaa maantay oo jimce ah aad iigu adkaaday inaan fariisto oon qoraal ka qoro arinkaan, waayo waxa had iyo jeer i hor imaanaya wixii aan indhahayaga ku soo arkay – Hooyo aan haysan cid caawisa oo guri isku xirtay, oo iska oynaysa- Ilmo Soomaaliyeed oo la qayaameeyay oo la yiri fasax ayaad aadaysiin – Hooyo soomaaliyeed oo loo hanjabay oo la yiri hadaad dadka usheegto in ilmaha xoog lagaaga qaatay waligaa arkimaysid- Soomaalida degan magaalada Trondheim oo iyagana ka cabsanaya in ilmaha beri laga qaato.)
Hadaladaas waxaa qoray Wariye “Xasan” oo Internetka ku daabacay warbixinta Hooyo Soomaaliyeed oo ilmaheedii laga xaday. Wuxuu muujiyey dhibta uu soo arkay inta ay le’eg-tahay.
Waxay igu noqotay murugo tiiraanyo leh markii aan Internet-ka ka akhriyey in wiil 8 jir ah iyo gabadh 10.jir ah laga qaatay Hooyadood. Warbixinnada gabadhan ilmaheeda la dhacay oo uu si xoogleh uga soo waramay “Xasan” wuxuu intaas ku daray.
(Gabadhan Soomaaliyeed waxay mudo dheer deganayd wadanka Holland, halkaas oo aysan wax sharci ah ku haysan. Ka dib ayaa gabadhu iska dhiibtay wadanka Norway halkaas oo ay sharci ka heshay, oo ay deganayd mudo 3 sano ah. Goor aan Taleefoonka ku waraysanay gabadhaan oo ay ka muuqdatay naxdin iyo niyad-jab ayaa waxay noo sheegtay in loo hanjabay oo loo sheegay inaysan ka hadli karin ilmaha hadii kale aysan waligeed arki doonin.)
Fariintan uu soo tabiyey qorahan waxay muujineysaa sida ay Hooyadaas Soomaaliyeed u dhibaateysan-tahay iyo sida uu mugdi ugu jiro mustaqbal ubadkii ay mudada dheer korineysay, una ahaa shay ay indhaha ku qabowsato. Ilmuhu waa nimco ilaahay bixiyo, wax laqiima ahna uusan jirin. Qof kasta oo lasiiyo nimca walba oo dunida taalla oo aan helin ilma uu eegto si faraciisa usii jiro, wuxuu raali ku yahay in wax walba laga qaado si hal wiil ama hal gabadh uu u helo hadabay suuragalayso. Waxaan layaabay maalintii u danbeysay sanadkii galbaday ayaan ka qaybgalay dhamaadkii wadahadallada Suudaanta oo lagu qabtay Nefasha, waxaa goobtii yimid Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Albashiir, wariye R/Carbeed ah ayaa igu yiri Fahad ma’ogtahay in Al-Bashiir uusan ilama lahayn? Waan maqlay ayaan ku iri. Waxaan sheekadii ku soo gabagabeyna maanta hadii lagu dhaho Madaxweyne-nimada ka dag wiil ama gabadhna halagu siiyo si niyadsami ah ayuu ku aqbali lahaa.
Soomaalida qurbaha ku nool dhibaatooyin aad u adag ayaa haysta, waxaana kamid ah midda hada haysata gabadhan dagan Norweyn ee maanta laga fara-mariyey ilmeheedii, hadana aysan u muuqan wax ay qaban karto marka laga reebo iney oohin iyo baryo eebbe isku darto.
Waa igu khalad ah inaan hada hooyadaas Soomaaliyeed ku canaanano maxaad markii hore dhul aadan dhaqankiisa iyo nolashiisa aqoon ka doontay, wallow aan ogahay in dhibaatooyin-kaas iyo kuwa lamid ah ee Soomaalida qurbaha joogta ku dhaca ay iyagu sabab u yihiin in ilmahoodii ay dajiyeen meelo aysan wax kaqaban karin haddii uu dhib ku dhaco. Waxaanse maanta dareemayaa murugo iyo naxdin joogto maadama ay gabadhan walaasheen ah ilmaheeda gaalo ka qaadatay, oo ay balo korineyso, ayna nolol la qaybsanayaan Shaydaanu-Insi xoog ku korsada ubada uusan dhalin.
Porofesar u dhashay dalka Ingiriiska ayaa igu yiri, hadaanu nahay bulshada R/Galbeedka waxaanu dhuminay dhamaan qiimihii ay noloshu lahayd, wuxuu yiri marka aan dalalka Muslimka joogo ayaan dareemaa nolol raaxa leh, laakiin goorta an dalkeyga ku noqdo waxaan u muuqdaa sidii nin wadan uusan u dhalan jooga. Hadalkaas wuxuu ka tarjumaya nolosha dhabta ah ee taala dalalka R/Galbeedka. Waxaa nasiib darro ah in ilaa iyo hadda caruur Soomaliyeed lagu sii wado dhulalkaas iyadoo laga raadinayo quutul-yoon, waxaadna moodaa in Soomaalidu ay xal u raadiyeen cunto, laakiin aysan ka fakarin dibta ku iman karta ruuxdooda iyo dareenkooda waalid-nimo.
Waxaan dhamaan umadda Soomaliyeed ka codsanayaa iney u gaar-gaaraan Hooyadan Soomaaliyeed ee ay murugadu ku hayso Norwey. Waxay u baahantahay in loo qabto arimaha soo socda.
Mudahaaraad weyn in loo dhigo si loomuujiyo dhibaatada intay le’eg-tahay. si Hooyada ilamaha ka maqanyihiinna ay u dareento iney tol-leedahay.
Shirar isdaba-jooga in loo qabto Soomaalida ku nool Norwey iyo wadamada ku dhawdhaw, si loo helo taladii loogu soo celin-lahaa ilamahan la afduubay.
Hooyadan murugadu ku habsatay in loo sameeyo dad Soomaali-nimo ugu tago oo laqaybsada walwalka haya, lana xusuusiyo in musiibada ku dhacday ay tahay imitixaan loogana baahan-yahay iney ku sabirto ilaahayna barido.
Culimada Soomaalida eeku nool wadamadaas, waxaa waajib ku ah iney muujiyaan talaabo wax ku ool ah. Waa iney qabtaan Muxaadarooyin iyo kulamo joogto oo looga hadlayo dhibta haysata Hooyadan Soomaaliyeed, isla-markaasna ay talo kabixiyaan waxa la gudboon Soomaalida ku nool wadamada Galbeedka.
Waxaan isku dayey inaan helo Telefanka Hooyadan dhibaateysay laakiin iima suuragalin. Waxaan halkan ka leeyahay. Ilaahay ayaa kuu qadaray in imtixaanka kugu dhaco, sidaas awgeed Ilaahay bari, aadna ugu ilxaaxi baryada. Anaguna waxaan ilaahay kaaga baryeynaa inuu dhibta kaa khafiifiyo si degdeg ahna ay ilmahaagii kuugu soo laabtaan.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
info@fahadyasin.com
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 3, 2005