Marka la qorayo maqaalada laba nooc ayey kala yihiin. Maqaal fikradiisa aad adigu doonaneyso, iyo maqaal isaga ku soo doonta. Kan hore aad ayuu u adagyahay, wakhti badan ayuuna kaa qaadan, si’aad u hesho firkadiisa iyo qaabkii aad hadallada isugu toosin lahayd, midkaas inta badan manoqdo mid adiga qoraaga ah aad kuu qanciya, laakiin dadweynaha ayuu aad u qancinaya, waayo waa cilmi baari dhab ah.
Maqaalka ku soo doontanse si macaan oo dhadhan leh ayaad u qori, adigoo raali ka’ah ayaad daabacaadda u diraysaa, marka lafaafiyana qofka ugu horeeya ee jecel inuu akhriyo waa isla qoraha, waxaase suurowdaa in akhrirayaasha uusan qancin, hadduu qanciyana sidaad adigu u jeceshahay uusan noqon. Sidaas waxaa sheegay qorayaal waaweyn oo carbeed.
Qoraa waliba wuxuu leeyahay qaab uu isagu wax u qoro. Midbaa jecel inuu wax u qoro sidii isagoo qof la sheekeysanaya, waana qaab akhristaha ku khasbeysa inuu wada akhriyo wixii la qoray oo idil, xitaa isagoo neceb waxa qoran. Sidaas waa u badan Axmed Faarax Cali “Idaajaa” oo marka aad buugtiisa akhrineyso aad moodayso inaad wada fadhidaan oo uu kuu sheekeynayo. Hadde waxaa caado ah qof ku hor fadhiya inaadan ka tagin isagoo wali haldalka wada, sidaas awgeed buugga uu qoro waad wada akhrin si’uusan buuggu kaaga caroon.
Aw-Jaamac Camar Ciise oo ah Aabaha qalinka Soomaaliga maadama uu inta badan Taariikh wax ka qoro, wuxuu ilaaliya qaabka qisadiisu u socoto. Qofka Buuggiisa akhriyana wuxuu ku khasbanyahay inuu ogaado noloshii dalkiisa iyo tii awoowa-yaashiis, sidaas awgeed qofku ka daali mayo inuu akhriyo.
Waxaa jira qorayaal badan oo burburka kadib magac weyn helay, waxtarna u ah horumarin afkii Soomaaliga. Shakina iigama jiro in qorayaasha Soomaalidu ay noqon doonaan awood ka dhex muuqata dheelitirka qaybaha nolosha Soomaalida oo dhan.
Nolosha bani’aadamki ku dhex noolyahay dad yar oo xadidan ayaa sameeya, iyaga ayaa looga danbeeyaa, inta ay ku dhex jiraan qaabaynta nolosha dadkooda iyo dalkooda, aad looma fahmayo hawsha ay hayaan, laakiin jiilka kaas ku xiga ayaa garawsada oo u duceeya iyagii oo dhintay.
Haddeer nolosha Siyaasadeed ee Soomaaliya rag tiro yar ayaa hindisay oo abuuray oo gumaystihii la diriray, shar iyo khayr waxay noqotayba sidoodii wax dhaama waa lawaayey. Nolosha ganacsi waa sidoo kale, oo dad xadidan ayaa iftiimiyey, degmo waliba waxaad maqlaysaa hebel ayaa ganacsiga gobolkan heerkaas gaarsiiyey. Xagga waxbarashada dalka Soomaaliya oo dhan waa layaqaan raggii u bud-dhigay. Sidoo kale xiligan burburka waa layaqaan ragga salka u ah. Saxaafadda Soomaalida heerarka ay soo martay iyo ragga hormuudka u ahna waa layaqaan
Waxay ila tahay nin waliba waxaa la gudboon inuu jeexdo khadii uu nolosha kaga socon lahaa. Inuu is weydiiyana maxaad dalka u tari rabtaa? Maxaad adigu ka noqon rabtaa? Jawaabtaas markaad hesho ayaad ku dhaqaaqi kartaa falkii aad qaban lahayd. Haddiise aadan helin jawaabtii meel cidla ayaad ku lumi, magaacagana ma dhaafi doono in lagu abtirsado oo nasabka lagu saxdo oo kaliya.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Info@fahadyasin.com
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | May 9, 2005
https://www.somalitalk.com/fahad/isniin21.html