Yaa bane: War miyaadan Muslim ahayn?
Qubuuro fage: Maxaa dhacay?
Yaabane: Maxaad qubuuraha ufaganeysaa?
Qubuuro fage: Dee waa qubuurihii Gaaladii Talyaaniga.
Yaabane: Oo haday yihiinna qubuuruhu sow xurma malahan?
Qubuuro fage: Ma Gaalkii nagumeystay baa xurma leh?
Yaabane :Ka waran hadday Talyaanigu soo fagaan qubuurihii Soomaalida ee wadankooda?
Qubuuro fage: Waa danahooda, maxay iyagu markii hore dhulkaas gaalo ugu dhinteen?
Yaabane: Waa yaabee adigu ma Gaalada nool nool ayaad col-latahay mise kuwa xabaalaha ku jira?
Qubuure fage: Saaxiib Gaal waa Gaal.
Yaabane: Oo madhabbey-kaatahay?
Qubuuro fage: Saaxiib kuwa hadda nool yaa dhalay?
Yaabane: Sow ma’ogid in Muqdisho dowladdii Soomaaliyeed ay ku duntay?
Qubuuro fage: Haddaan ogahayna.
Yaabane: War in guryihii dadka Xamar lagu haysto sow ma’ogid?
Qubuuro fage: Oo ma’anaa haysta marka.
Yaabane: Adeegyadii bulshada oo dhan in la bililiqaystay oo labor-buriyey sow ma’ogid?
Qubuuro fege: Dadkii bililiqaystay u sheeg.
Yaabane: Wax walba oo laga naxo xamar iney ka dhaceen sow maadan maqal?
Qubuuro fage: Su’aalo badanidaa adigu, yaa noo soo kaa diray?
Yaabane: Haddii dadkii, daarihii, duunyadi, iyo waxwalba ladumiyey, qubuuro fagidna manoo dhimaneyd?
Qubuuro fage: Horta aan kuu waramo, waxaas aad sheegtay oo dhan anigu majoogin, hadda ayaana xamar imid.
Yaabane: Haye. Qo qubuuraha maxaad ka soo doontay marka?
Qubuuro fage: Runta haddaan kuu sheego, aniga ganacsade ayaan ahay, nin xamar ka warhayo hadaadan ahaynna, meel walba dadaa haysta xitaa wadooyinkii, marka ninyahaw barxadaan awalba Gaalo cadaan ah ayaa ku duugneydee hadaan dhisto oon dadkeyga ku anfaco maxaa dhiboo ku jira?
Yaabane: Haye.
Qubuuro fage: Dadkaan xaasidnimaa ka badatay, nolol xataa la’iima ogalo miyaa?
Yaabane: Sheeko iyo shaahid midna qof adigoo kale ah ma’arag mana maqal, nin khayr qaba ma’ahidee, nabadeey anigu kaa tagay, meeshaad taariikhda ka gashana la’arki doonee.
Qubuuro fage: War qaylada igala tag, intaad muranka igu daalineysay sadax gaal ayaan banaanka keeni lahaa.
Yaabane: Sidii nin qandhan anoo dhabannada haysta ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii fadeexo. Waxaan qaadan-waayey in madashan ceebeed ay tahay Caasimaddii Soomaaliya.
Diinta Islaamka mabaneyneyso in lafagto qubuuraha iyadoo uu qofwalba go’aankeeda leeyahay. Wey dhici kartaa in shareecadu baneyso haddii ay dowladi sidaas masalaxo u aragto, sida in goob masaajid laga dhisayey laga raro qubuurihii ku yaalay iyadoo la xurmeynayo, si’asturanna meel kale loogu aasayo.
Maxakadaha Islaamiga ah ee haddeer lagu tuhun-sanyahay iney lug ku leeyihiin, hadday ku cadaato waa godob ay magaca diinta ku galayaan. Waxaana soo baxayey hadallo kala duwan oo ay soo saarayaan Madaxda sare ee Maxkadamaha Islaamiga ah, oo ay qaarna inkiriyaan, qaarna qirayaan. Dad badan ayaa Maxkadaha ku taageeray hawlaha ay bulshada u hayaan. Sidoo kale waa lagu taageeray iney diidaan ciidamada ajnagi ah ee wadanka loo soo wado, waxaanse loogu sacbin doonin iney isha ka fiirsadaan fagashada qubuuraha, iskadaa iney iyagu lug kuleeyihiinee.
Uma haysto in dadka hawshan ka danbeeya ay yihiin kuwa magaca ilaahay ku samaynaya oo isleh ajar ka hela inaad soo saartaan qubuurihii Talyaaniga. Waxaa jirta sababo kale oo arintaas keentay una badan dano dhaqaale ama ka faa’iidaysiga dhulka halkaas ku yaalla. Damiirka qofku haddii uu dhinto wuxuu gaaraa in wixii ku soo dhacaba uu ku dhaqaaqo isagoo aan aragtida dadka dan iyo heello kalahay.
Culimadda Soomaalida waayadan danbe waxay muujiyeen doorka ay ku leeyihin bulshada dhexdeeda. Waxaa abuuran Dallad kulmisa Culimada iyagoo marba wixii dhaca ka soo saara aragtida ay ka qabaan. Sidaas awgeed waxaa lagama-maarmaan ah in waxqabad la taaban karo ay ka muujiyaan dhacdadan layaabka leh ee Xamar ka socota.
Ganacsatada awoodda weyn ku leh Muqdisho muxuu yahay mawqifkooda ku aadan arintan? Iyagaa taageera Maxkadaha Islaamiga ah ee Muqdisho marka mey u adeegsadaan isla Maxkadaha in la hor istaago anshaxan xun ee ku dhexabuurmaya bulshada Soomaalida.
Bulshada weynta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho waa iney muujiyaan sida ay uga xun-yihiin falkan dhacay iyo sida loo maamulay. Waxaa yaab leh xitaa haddii qorshuhu yahay in qiil laga dhiganayo meesha ay ku duugan-yihin ayaa loo baahan-yahay, maa inta si mas’uuliyad leh looga soo saaro meel kale la geeyo oo halkaas lagu aaso?
Nin aduun joogoow maxaa aragti kuu laaban. Wiilkii R/Xamarna wuxuu yiri. Cimrigaagoo raago Geel dhalaayana waa ku tusaa. Marnaba ma filayn in qof Soomaali ah xumaan kastaba hafalee inuu ku fakari karo Qubuuro fago si uu markaas nolol uga abuurto. Laakiin maanta waxay ka dhacday Xamar, waxaana samaynaya dad huwan magacii Soomaaliyeed, kaagaba sii daranee waxaa lagu tuhumayaa kuwa magac diineed wata.
Maxkadaha Islaamiga ah arintan lug haku lahaadeen ama yeysan ku laahinine, waxaa saran mas’uuliyad anshax iyo mid diineed, haddii aysan si degdeg ah wax uga qaban, waxaa dhulka ku dhici doona sumcaddii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
info@fahadyasin.com
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 24, 2005