Soomaalidu hadalka waa toosin-taqaan, afmaalayaal hadalka wax ku cunta weeye, laakiin in ficil laqabto wey ku adagtahay, dad dhisan oo talaabo sax ah qaadi kara wey iska adagyihiin in lahelo. Dhibaatada ugu weyn ee bulshada haysata waxay noqotay hogaankeedii oon rabin inuu hor kaco, waxay rabaan inuu ku horkaco iskadaayee wuxuu isagu rabo xitaa uma horkici karo. Hogaamiye-yaasha Muqdisho laga sugi maayo iney fuliyaan waxay bulshadoodu u hanqal-taagayso, sidoo kalana loogama baran iney qabtaan waxay afka ka sheegaan ee ah xukun jacaylka.
Xubno katirsan labada Gole ee Beesha Hawiye ayaa maanta Baaq ka soo saaray Nairobi Baaqaa oo daba Jooga midkii ay Hogaamiyaasha Hawiye shalay soo saareen Mar 13
Xaflada lagu soo Afjarayay Arimaha Amniga Muqdisho
oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi… Guji… Mar 12
Nabadgalyada iyo Dib u Habaynta Caasimadda Dalka
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 60 xubnood ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii nidaam loogu soo celin lahaa Xamar TXT | PDF
29.qodob ayey saxiixeen Madaxdii Muqdisho, waana ku wii go’aanka ugu danbeeya iskalahaa, marka laga hadlayo wax ka qabashada Muqdisho. Hadday iyagu hubka ugu badanaa haystaan. Hadday igu yihiin kuwii ku hadlayey magacyada beelaha Soomaalida qaarkood waxaa cad hadii ay daacad-yihiin iney wax weyn qaban karaan. Waxaan wada akhriyey qodobada uu ka kooban-yahay heshiiska, waxay u muuqdaan kuwa wax ku ool u ah xaalada murugsan ee magaalada Muqdisho. Si faaf-faahsan ayey uga warameen qaababkii wax looga qaban lahaa magaalada Muqdisho. Hadday tahay qaabkii hubka loo uruurin-lahaa. Hadday tahay sidii Dekedda iyo Garoonka loo furilahaa. Hadday tahay Sidii Malayshida loo xaraynlahaa. Iyo qodobbo kale oo muhim ah.
Sidaan uga baranay kooxaha Muqdisho waxaa u sahlan in warqadaha la saxiixo, xaflad la dhigo, loo sacbiyo heshiiska, shirar badan la galo, dadka niyadooda kor loo qaada, laakiin uma fududa iney ka dhabeeyaan wixii ay isku afgarteen, iney qaadaan tallaabo horumar u ah mustaqbalka Soomaalida guud ahaan.
Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Muqdisho oo aan la kulmay ayaan weydiinayey hal su’aal oo ah. Waa run oo waad saxiixdeen heshiiskan, laakiin ma runbaa iney daacad idinka tahay fulinta heshiiska. Waxayna kuwada jawaabayeen, wixii hore yaan naloo qaban ee markaan hanala daayo oo wax hanalala qabto.
Waxaa cad in kalsooni badan aan lagu qabin iney fulindoonaan heshiiska, waxaase loo hayaa taageero haddii ay dhab ka tahay wax qabad, bulshada Xamar ku noolna wey sugaan in heshiiskaas wax un laga fuliyo. Dekedda iyo Garoonka waxaa hadda ka muhimsan Hubka daadsan ee aan maamul gacanta ugu jirin. Malayshida hubaysan ee aan ciidan qaran ka tirsanayn. labadas qodob kaliya haddii wax laga qabto inta kale iyagaa hortaagnaa oo degdeg ayey ku xalismi doonaan ilaahay idankiis.
Dad badan ayaa eedeeya dhalin-yarada hubka ku haysata Muqdisho oo habaara ama canaanta oo dhaha dhibta Soomaali hortaal waa kuwan qoriga jeeni-qaaran, taasina ma’ahan fikrad sax ah, sababtoo ah, qoriga wiilka haysta ninbaa u dhiibtay oo sidii xaabadii ugu adeegta, dadka u soo laaya, gorgortanka Siyaasadeedna iyaguu ku galaa, hogaamiyuhu ma dhinto ee wiilka ayaa u dhinta, inta soo hartayna qaad ayuu siiyaa, kan ugu badanna xoogaa dhaqaala ayuu u taagaa. Wiilka qoriga sita waa nin dhiban, daryeel caafimaad mahelo, mishaar maqaato, hadduu dhinto looma tacsiyeeyo, wuxuu u dhimanayo mayaqaan, markuu ugu bato nolol liidata ayuu ka helaa, isagoo isleh hadaad ka tagto meel kale ood wax ka cunto helimaysid.
Cidda larabo iney umadda iyo caalamkuba la xisaabtamo waa Hogaamiye-yaasha wiilashan gacanta ku haya, iyagu hadday daacad noqdaan wiilashaanna awliyo ayey noqon. Nidaam iyo kala danbayn haddii lahelo wiilashaannu dalkay wax tari, mid waxbarta, mid ciidanka noqda, mid shaqaala dawladeed noqda.
Sidaas awgeed qolada la rabo iney heshiiska fuliso oo ay dhaqan-galiso waa kuwa Wasiirka ku helay. Hotellada qaaliga ah dunida kaga dagan. Magaciisa warbaahinta laga sheego. Kuligood hadda waxay wada joogaa Nayrobi waxayna heshiiska ku saxiixeen Nayrobi, waxaa haboon in dunida caalamku hadeer u istaagto sidii loogu dabagali-lahaa iney heshiiskaas fuliyaan. Madaxweynaha iyo R/Wasaarahaba waxay maanta haystaan fursad qaali ah, taaso ah iney kuwaan toosh ku shidaan oo ay caalamka tusaan, sharcina ka soo saaraan. Halka ay ku hawlanyihin in Ciidamo laga doodo, ma saf hore ayaan keenna mise kuwa kale, waxaa ka haboon in Barlamaanka sharci la horgeeyo oo ah in lagu daba-galo kuwan heshiiska saxiixay sidii ay fulin-lahaayeen, hawshooda ugu muhimsan ee u taalla waxay tahay sidii run looga dhigi lahaa wax ka qabashada Muqdisho.
Warqad Furan: Hoggaamiye Kooxeedyada Xamar
Qoraal dheer oo Inj. Maxamed Cali Cibaar u diray Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa.. Guji…
Gabaygii Xiirane: Dhoob-Dhoob
Waa gabay ku saabsanyahay colaadda nagu raagtay iyo dhibaatooyinka ay sababtay.. Guji…
Faalladii Aadan Qodax::: Haregysa & Maanta
Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..
Madaxda Dowladu waa iney fahmaan Xamar hawl u taalla iney tahay, kuwii hubka ku haystayna hadday dhaheen waanu dhiibeynaa, waxaa haboon in taas lagu dabagalo, maxaayeelay marwalba waa hawl xal kaa sugaysa. Waxaa laga yaabaa in Dowladda madaxdeeda qaarkeeda ay ku farakayso xoog wax halagu xaliyo, waan arin dab ku sii shidi karta xalka ay umaddu sugayso.
Intaas waxaa dheer Dowladda Soomaaliyeed waxaa ku haboon iney gacan-siiso heshiiskaas shacabkana usheegto iney diyaar u tahay wax kaqabashada Muqdisho, sidoo kale waa iney muujiyaan in Xamar aysan qolo kailya u oolin hawsheeda ee ay tahay hawl marka koowaad dowladda u taal, marka labaadna bulshada Soomaaliyeed oo dhan utaalla.
Waxaan isleeyahay shacabka Soomaaliyeed nasiib-darro ayaa haysta, waxaa isuku bahaystay sadax qolo.
1. Kiwii Xamar xukumay oon wax qabad lahayn.
2. Dowladdii oon diyaar u ahayn iney xamar wax ka qabato.
3. Shacabkii oon ikhtiyaar kale haysan.
Shacaboow rabbaa kuu maqan ee rag kuuma maqna.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
info@fahadyasin.com
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Mar 14, 2005