Waxaan kamid ahaa Wariye-yaashii raacay Diyaaradii Guddoomiyaha Barlamaanka, waxaan ku dagnay Garoonka Diyaaradaha Dayniile, halkaas oo aan kula kulanay soo dhaway siweyn loo agaasimay oo ay diyaariyeen waxgaradkii joogay Muqdisho, waxay muujiyeen xiisaha iyo xurmada ay u hayaan wafdigii dowladda ee uu horkacayey Shariif Xasan Sh.Adam.
Afhayeenka Baarlamaanka FKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden oo la hadlayey Ardayda Dugsiga Axmed Gurey , Feb. 9, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka AP
Xubno ka tirsan maxkamada Islaamiga ah oo dhegeysanayey xubno ka tirsan baarlamaanka FKMG, Feb. 5, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka: AP.
somaliay
Gabdho xijaaban oo sugayey imaanshaha afhayeenka baarlamaanka, Feb. 9, 2005, Mogadishu. | Sawirka: AP
Wuxuu ahaa Safar qurux-badan oo xiise leh, waxaan safarkaas ka kororsaday in xalka Soomaalidu uu yahay mid caqli yar u baahan ee aan goodis iyo caga-juglayn u baahneyn, wadaadkii Sayid Maxamed ahaa waatii laga sheegay ( Rag wuxuu walaalow ku dhaamo waan waayey). Maanta waxaa madaxda Soomaalida laga doonayaa iney muujiyaan caqli dheeri ah, karti dheeri ah, hufnaan dheeri ah, kalsooni dheeri ah, haddiise lagu socdo sida hadda xaalku yahay oo ah, hadii aydanan saas yeelin anna saasaan yeeli, waa xaabadii oo dab lagu sii shiday.
Burburkii Maxamed Siyaad wuxuu bilowday goortii uu beelaha qaarkood u xoog-sheegtay ee uu ugu faanay cududa ciidan ee uu haysto, isagoo ku xisaabtamayey ciidamadii qalabka siday ee 21.ka Oktobar gaardiska ku agmari-jiray, wuxuuse garan la’aa in ciidankani uu beelaha Soomaalida ka kala yimid, oo haddii Askariga beeshiisa wax loo dhimo uu ku dagalamayo qorigii uu qaranka u dhiibtay.
Waxaa yaableh. Dowladan Soomaaliyeed ee dibad joogga ah ee u dhaqmeysa sida layaabka badan oo ah, goodin iyo deegaanada qaar uma socdo hadii wax kasta la akhriyo. Wuxuuse ogolyahay inuu aado kadib marka uu ciidan ahaan uga adkaado. Soomaali la’ogaayo degdeg wey isku cafin kartaa, wey ku heshiin kartaa, wax wey ku dhisan karaan, laakiin degdeg kuma kala adkaato. Su’aashu waxay tahay Maxamed Siyaad wixii burburkiisa soo dadajiyey isagoo carshiga ku fadhiya ayey dowladan cusubi iyadoo dibadda ku nool ka bilowday, bal meesha ay ku danbeyso aan aragno. Maanta talaa la gudboon, barise eebaa og.
Itoobiya dhulka Soomaalida meelo badan ayey ka soo gashay, sida Gado, Bay iyo Bakool, intaba kuwii keenay ayey tuurtay oo hogaan cusub ayey soo saartay kadib markii ay hubsatay gacan-ku-haynta deegaanka. Waxaan isweey-diiyaa, madaxda Soomaaliyeed ee haddeer u yeeraneysa Itoobiya ee leh soo gala dalkeenna oo kalaaya hubka Soomaali ka uruuriya, hadayba taas dhacdo oo Soomaali hubkeeda ay Itoobiya meel isugu geyso, yaa damaanad qaadaya in qolyihii keenay ay sii wada soconayaan, oo ay dalka iyaga u gacan-galineyso. Sidaan Itoobiya uga baranay nimay wax isla bilaabeen islama-dhamaystaan. Marka odaga maa qodobkaa la xusuusiyo, oo la dhaho nimanku waa ku wii Cumar Xaaji Masalle sidii la’ogaa u galay. Waa kuwii Shaati-guduud hal faliiq oo A.R.R. ah ku soo reebay. Tolow adigoo Madaxweyne ah miyey kaa xishoon-doonaan oo adigay waligaa ku wadan doonaan? Koley jawaabta Itoobiya unbaa haysa, oduguse waa ku nasiib-sanayaa. Caqliga saliimka ahi wuxuu dhigayaa, Madaxweynuhu marba haduu tijaabo galayo, muu Soomaalida isku tijaabiyo, oo xitaa iney Soomaali kugu balan-furto iyo in Itoobiya kugu balan-furto keebaa odaga u khatar badan? Dalkana u khatar daran?
Sh. Cali Wajiiz ayaa yiri isagoo Muxaadaro ka dhigaya Masaajid ku yaalla Xaafada Soomaalida ee Nairobi. Itoobiya haddiiba ay aamintay C/Laahi Yuusuf oo askari ah wey ku nasiib-sanaysaayee anaguna aan kula nasiib-sanno, maxaayeelay marka uu arko ciidan Soomaaliyeed oo u gaardinaya oo uu dhawr safarna dibadaha ku tago, isagaaba kusoo jeesan doonee aan sugnos.
Taariikhda Soomaalida waa lagu arkay Jabahad Itoobiya la socota, oo hubka iyo saanadda ka soo qaadata, laakiin wali lama arag Madaxweyne Soomaaliyeed oo Itoobiya hub iyo tageero karaba. Malaha C/laahi Yuusuf isagaa bilaabay jabhadii uhoreysay ee garabsato Itoobiya, hadana isaga ayaa isku wada inuu noqdo Madaxweynihii Soomaaliyeed oo Itoobiya garabsada.
Wadada kaliya ee maanta u furan madaxda Soomaalida waa iney xiriirka u jaraan Itoobiya, haddii aysan u jarin Karin waa iney khafiifiyaan, haddii aysan khafiifin karin siyaasadda kaliya haku koobaan, intaas hadaysan awoodin fashalkooda oo degdeg hasugaan.
Shacabka Soomaaliyeed iyo danaha Itoobiya waa laba dab oo aan istaaban karin. la’iskuma wadi karo, laakiin si khiyaano ku jirto colaadooda waa loo dhimi kara. La’isma jecleysiin karo, laakiin inyar wa lasii kala jeedin karaa. Waxayse u baahantahay hogaan caqli badan, falsafo badan, dadku ku kalsoonayahay. Taasina hadeer mawada muuqato.
Halgan kasta waxaa laga qiimeeyaa meesha uu ku dhamaado. Haddii uu horumar iyo wanaag ku dhamaado wixii khalad ahaa ee intuu halganka socday dhacay waa lacafiyaa ama waaba la ilaawaa. Haddiise halganku halaag iyo taariikh xumo ku dhamaado jiilasha danbe ayaa lacnada taariikh xumo Siyaasadeed wey ku dhamaataa.
Waxaan taas ula jeedaa 30.Sano oo xiriirka Itoobiya ah haddii uu ku dhamaado Itoobiya oo wadankii Soomaaliya loo wada gacan-galiyey, waa fadeexo aan qabriga ku harin. Haddiise shacabka Soomaaliyeed loo soo laabto oo hogaan dalka daacad u ah danta guudna ka shaqaynaya ay noqoto gabagabadu waa wax taariikhdii hore lagu ilaawi karo, ama ugu yaraan la dhihi karo, ninkani wanaag iyo xumaanba waa leeyahay, laakiin wanaag ayuu ku dhamaystay.
Waxaa lamoodayey Itoobiya ninkii la soo shaqeeyey inuu aad u yaqaan, waxaase soo baxaya hadba ninkii Itoobiya ka fog inuu arkayo danaha ay Soomaaliya ka leeyihin.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Feb 14, 2005