Qofkii booqda Hargeysa, wuxuu faras magaalaha ku arkayaa taallo weyn oo ay dhinac-kasta kaga dhajisantahay sawirro farshaxan ah oo markaad eegto ay tiiraanyo ku qabaneyso, waxaadna ka fahmeysaa in raggii hindisahaas lahaa ay rabeen, sii kala fogaynta dadkii halka wadan walaalaha ku wada’ahaa, iyo sidii utun colaadeed looga dhex abuuri lahaa jiilasha dhalan doona, si ay waligoodba isu lacnadaan.
Waxaan shaki ku jirin in dagaaladii W/Galbeed ay dowladdii hore ku kacday qaabab ka fog xuquuqda aadanaha, waxay kamid tahay falalkii ugu foosha xumaa ee ay dowladdii hore ku dhaqaaqday, waana dhacdo ay taariikhdu si daacad ah u xusi doonto, annagoo maanka ku hayna in ciddii dhibkaas geysatay uu ahaa maamul dhisnaa oo ay Soomaali oo dhami kuwada jirtay, ayna kamid ahaayeen ragga hadaba haya jagooyinka ugu sareeya “Somaliland”.
Waxaas oo dhib ah hadday ku dhaceen shacabka W/Galbeed oo ayna hadda abuurteen nabad-galyo iyo kala danbeyn, waxay dad badani islahaayeen dhibtii ku dhacday casharka ugu horreeya ee ay kaqaataan wuxuu noqonayaa, ilaalin xuquuqul-insaanka, dhawrista xorriyadda qofka, iyo dhisdda garsoor cadaaladda ilaaliya. Taasi sidii la filayey manoqotay? Bal aan eegno qisadii Samsam Yarey, kadibna aan dib ugu soo laabanno su’aashan.
SAMSAM: HABOWGEEDI BAA HALAAG KA TUURAY.
Tilmaantii oo qaldantay iyo darawalkii gaariga oo si khaldan wax u fahmay ayaa meesha ay maanta Samsam taallo gaarsiisay. Inta ay Saxaafaddu ogaatay iyo wax kaloo ka sii xun, ayey Samsam lugta lagashay. Qofkaad rabto ahoow oo, hadaad adigu maanta joogto halka ay Samsam bidatay, maxaad ka sugi lahayd dadka aad isku dhiigga, isku diinta, isku dhaqanka, isku haybta, iyo isku dadkaba tihiin? Samsamey hadaad ka sugaysay iney ku tusaan gurgii kaa khaldamay, kumey toosinee xabsi bey ku dhigeen. Markaad xabsiga gashay, hadaad islahayd Abtigaa oo ordaya ayaa imandoona, oo isla-markiiba ku soo dayn, dammiinba Allaha ka dhigee, wuu kuu soo gurmanayaa, inuu kusoo daayo iska dhaafee, isagii baa dhuuntay, oo aan ilaa iyo hadda ku dhiiran inuu xitaa sheego inuu waaridkaa ahaa. Askarigaad islahayd intuu damiirkiisa qabto ayuu kula carari-doonaa, isagii baaba —sey saxaafadu qortay— ku kufsaday oo jirkaagii daahirka ah faraxu-meeyey.
Haday inta ilamadii kaa qubatay ood filaysay iney odayaashii dhaqanka kuu soo gurmadaan. Madhicin taas, oo mindhaa hawsha tolka ay u hayaan, mid ka baxsan ayey u arkeen. Hadaad xijaabkaad xirneyd Madaxweyne ku xigeenkii baaseysatay oo uu yiri, bidcadan aduunka ka qariya, oo markaad hadalkaas maqashay is tiri, malaha Wahaabiyadii dartood laguu ciqaabay baa degdeg kuu soo gaari doona, taasina ma dhicin oo, iyaguna caadadoodii ahayd, horta wax hala hubsado ayey kujiraan. Hadaad is tiri xisbiyaddii mucaaradka ku ahaa “dowladda” ayaa ka faa’iidaysan doona dhibka kusoo gaaray, taasi madhicin oo iyagana wali ma’ogaan inaadba kamid tahay hawlaha ay utaaganyihin.
Samsamey, waxaa kuu gurmaday Saxaafaddii Soomaalida, walow ay laftoodu mardanbe warkaaga heleen. Intaan ogahayna Barta Somalitalk ayaa dadaal mug leh kuu gashay. Saxaafadda Somaliland-na markii hore seeftey kabaqeen, goortiise warkaagu dunida oo dhan gaaray, bey siyar oo xishood ku jiro wax kaaga qoreen, waxaase abaal kugu leh Barta Somaliland.org. Yuusuf Garaad oo isna Taliyihii Booliska ka xaqiijiyey inaad iyaga uxirantahay. Sidoo kale, waxaa gurmad iyo gargaarba kuu qabtay, Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha iyo Looyarro damiir leh, oo afar kamid ahi ay dartaa jeel ugu jiraan hadeer oo aanba qalinka haysto.
Hargeysa waxaa jooga Culima waaweyn oo xagga diinta magac ku leh, laakiin wali kama aysan hadli xaalkaaga. Waxaa kaloo jira laba gole oo kala ah Barlamaan iyo Guurti. Xubnihii labadaas gole iyo madaxdoodiiba wey aamusanyihiin. Waxaa kaloo jira laba xisbi oo mucaarad ah, iyaguna warkaagaba masoo qaadin. Shacab tiro leh ayaa ku nool Hargeysa, laakiin hal mudaaharaadna kuumay dhigin, Waxaa yaab ah intaasoo dhan maxaa wada aamuusiiyey oo damiir-koodii kicin waayey.
Waxaa kuwaas oo dhan ka sii xun, Puntlan-tii aad ka timid halmar bey dhaheen gabar baa naga maqan, warkoodiina intaas buu ku damay, waana mid ay taariikhdu kula xisaabtami doono.
Walaalleey Samsameey, waxaan sugayaa adoo goordhaw banaanka jooga oo noo sharxa wixii xilka lahaa ee ay kugula-keceen kuwii anshaxa xumaa ee dunida kaaqariyey. Waxa Samsam ku dhacay waxay tilmaan u tahay in “hogaanka Somaliland” uusan garosho iyo horumar dhaamin kii Dektaa-tooriyada.
Hannoo danbeyso in “Somaliland” ay ka go’eyso Soomaaliya inteeda kale’e, bal haddaan wali isku dhaqan-nahay, oo aad qadarineysaan sharafta haweenka, waxaa waajib idinku ah inaad degdeg usii daysaan Samsam oo ah Gabadh 16-jir ah oo ardayad ka’ah Iskuul ku yaal Boosaaso. Rabbow adaa Samsam u maciin ah.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
info@fahadyasin.com
ama editor@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | November 29, 2004