- ๐๐๐๐ ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa dareemaya mucaaradkii shalay ee Wareegii 2aad iyo 3aad dhistay Xasan Sheekh.ย
- ๐๐จ๐ก๐๐ข๐ข๐ช ๐ฆ๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa dareemaya qof kasta oo ismoodsiiyey Xasan Sheekh baad wax la leedahay ama waad la yeelan kartaa, iyo dadkii filayey in odayga sidii hore kasoo raynayo.ย
- ๐ค๐๐ก๐๐๐๐ข ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa ku qaba dowladda Xasan Sheekh, hal qof oo kaliya, waana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka laftiisa.ย
- ๐๐จ๐จ๐ ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa ku fadhiya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Awoodo idmanna waa la siiyey, waqti kuma socdo, markay rabaana waa guuri karaan.ย
- ๐ ๐๐ฅ๐ค๐๐๐ก ๐ฆ๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waa farxad ku meel gaar ah oo dhadhankeedu dheer yahay, kolka aad ka soo baraarugtana aysan waxba ku soo raacaynin. Xaaladdaas waxaa ku dhex nool Raโisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.ย
- ๐ค๐จ๐จ๐ฆ ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa gaaray Beesha Caalamka, waxayna bilaabeen iney is weydiiyaan sidee u ekaan karaa mustaqbalka dalkaan?ย
- ๐ช๐๐ฅ๐๐๐ฅ ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa khaati billaahi iyo rafaad taagan dowladihii jeclaa iney Soomaaliya caawiyaan ama xiise gooni ah u hayey Xasan Sheekh.ย
- ๐ ๐จ๐ฅ๐จ๐๐ข ๐ฆ๐ฬ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐
Waxaa niyad jab, rajo xumo iyo caro isugu darsoontay shacabka. Kuwii noolaa dhulalkii ay degenaayeen baa laga qixiyey, kuwii aasnaana waa lasoo faagay. Dhulka korkiisa iyo hoostiisa insaankii joogay xaalad murugo siyaasadeed baa wada haysta.





