Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskiisa, saraakiisha sirdoonka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed geerida ku timid aasaasihii koowaad Sirdoonka Soomaaliya.
Dafle, wuxuu mar ahaa siyaasigii ugu saamaynta badnaa Qaarada Afrika, isagoo sabab u noqday xornimada tiro ka 10 dal oo Afrikaan ah.
Loollankii Dagaalkii Qaboobaa wuxuu udub dhexaad u ahaa tartanka labadaas quwadood ee Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta qaarkeed.
Awoodda Sirdoonka Soomaaliya wuxuu gaaray inay ka war qabaan nolosha gurga Mingistu Xayla Maryam. Guulihii furimaha dagaalkii 1977 waxaa saldhig u ahaa in sirdonku heli jiray xogta Cidanka Itoobiya.
Maskaxdii iyo farshaxankii uu ku dhisay sidoonka qaranka iyadii bay wali ku socotaa.
Markii aan noqday Taliyaha Sirdoonka NISA, ee aan arkay taariikhda uu Dafle ka tagay, waxaan ugu magac daray Masjidka weyn ee Xarunta Hay’adda ka dhisan.
Allaha u naxariisto Axmed Saleebaan Dafle.





