Faalladii HoreFaalloo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

La taliyihii hore ee aAmniga Qaranka, Fahad Yaasiin

Ujeedo: Dacwad Masuul la Aaminay

Salaanta Islaamka kaddib,

Sidaan ognahay Madaxweynaha  Jamhuuriyadu waa ilaaliyaha danta guud. Waajibaadkiisa waxaa kamid ah inuu dhawro hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay labadaba.

Mudane Madaxweyne, waxaan ashtako ka nahay muwaadin awood buuxda leh oo ku xad gubaya hantidii qaranka;

  1. Iyadoo aanan la diyaarinin shuruucdii iibka hantida guud ee qaranka ayuu ninkaasi beecinayaa dhulalkii danta guud, isagoo ku iibinaya xaraash iyo xoolo jaban. 
  2. Lacag lagu sheegay qiimaha dhulalka danta guud, iyadoo boorsoooyin lagu sido, ayaa si toos ah loogu geeyaa gurgiisa. Awoodaas  lacag qabashada yaa siiyey? 
  3. Xisaabiyihii Guud, iyo Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka labadiiba way ka aamusan yihiin, ee bal masuuliyiintaas la hadal, oo ha furaan galal fatashaad iyo baaris ah si ay warbixin uga soo diyaariyaan, oo kuugu keenaan. 

Mudane Madaxweyne, waxaan kaa rejaynayaa inaad gacanta qabato muwaadinkaas ku hawlan ku tagri falka iyo ku danaysiga shakhsiga ah ee hantidii danta guud.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button