Kenya waxay kasoo badbaaday halis jiritaan markii doorashada looga adkaaday xulufadii sharta ee uu hogaaminayey Uhuru Kenyatta.
Tobankii sano ee lasoo dhaafay gobolka Geeska Afrika qalalaase siyaasadeed buu galay, gaar ahaan Soomaaliya xiligii Madaxweyne Farmaajo iyo dagaalkii Tigreega ee Itoobiya. Uhuru Kenyata ayaa qaybta ugu weyn ku lahaa degenaasho la’aantii ka jirtay gobolka iyo gudaha Kenya.
Labadii Madaxweyne ee hore Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki markii ay xilka ka dageen waxay doorteen iney ilaashadaan sumcadooda iyo taariikhdooda. Laakiin Uhuru wali muusan rumaysanin in Mudane William Ruto uu noqday Madaxweynaha 5aad ee Kenya.
Madaxweyne Ruto, tubada ay tahay inuu iska xiro waa shirqoollada iyo sharta uu maleegayo Uhuru.
Xulufaysiga cusub ee u dhexeey Rigathi Gachagua iyo Uhuru Kenyatta wuxuu Kenya dib ugu furayaa albaabka sharta.
Soomaalida iyo Muslimiinta Kenya waxay maanta haystaan Madaxweyne Ruto oo ah hoggaamiye u ogol xuquuqdooda, kuna aaminay xilalka ugu xasaasisan dalka.





