Faalladii HoreFaalloo

𝐀𝐅𝐀𝐑𝐓𝐀 𝐋𝐀 π˜π€π€π 𝐄𝐄 π‘π€π€π’πŠπ€πππŽπŽππˆ:

Afar Mahadho Taariikhi ah oo Ka Dhacday Raaskambooni

πŠπŽπŽπ–π€π€πƒ:Β  In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.Β 

𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas le’eg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.Β 

𝐒𝐀𝐃𝐃𝐄𝐗𝐀𝐀𝐃: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.

𝐀𝐅𝐑𝐀𝐀𝐃: Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu door bidayaa la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha. Waa mahadho kale oo taariikhda ku hari doonta.

𝐒𝐇𝐀𝐍𝐓𝐀 π…π€π‘π‘πˆπˆπŒπŽπŽπƒ 𝐄𝐄 π’π‡πˆπ‘πŠπ€ π€ππŠπ€π‘π€

π…π€π€β€™πˆπˆπƒπŽ: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.Β 

𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.Β 

𝐅𝐀𝐑𝐀𝐉: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.

π…πˆπ‹π€ππ–π€π€: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.

π…π„π„π‰πˆπ†ππ€π€π:Β  Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button