Maqaallada

JABHADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA AH.

Dad-dilayaal kooxo badan kala ah baa inta meel la’isugu geeyey lagu yiri: Dadkaad dili jirteen sidaad dilka uga dayn lahaydeen ka’arinsada. Dadkii bey eegeen, dunidii bey fiirsheen, iyagii baa hadana is-dhugtay, kolkaasey iska soo dhex saareen koodii dad dilidda u bilaabay, dunidiina waxay ku yiraahdeen: Waxaan dhisanay dowlad uu madax ka yahay macallinkii sixirka baray.

Bulsho weyntiina rajo ayaa gashay, armaa xal la helaa ayey is yiraahdeen. Xaalkooduna wuxuu u ekaaday sidii laga sheegay oday matukade muddo dheer ahaa baa markii danbe masjidkii galay, wuxuu maqlay Imaamkii oo leh, garbaha iyo gumadaha hala isku dhajiyo. Ninkii dadka ugu dhawaa ayuu inta ku jeestay ku yiri:  Oo maxay tahay sababtu? Wuxuu ku yiri: Shaydaanku inuusan nakala dhexgalin ayaa saas loo yeelayaa. Salaad bilaabihii oo yaaban ayaa yiri: Oo Shaydaan hadduu tukanayo maxaa loogu diidayaa? Haddeer shacabku wuxuu xaalkoodu yahay kuwii shalay naleynayey hadday dowlad noo dhisayaan maxaa loogu diidayaa?

Habaynkey doorashadu dhacday oo natiijadii la sheegay ayuu nin saaxiibkay ahi igu yiri: War bal warran. Waxaan ku iri, waa inoo shan sano dabadeed iyo shir. Ninkale oon mardanbe uga qiseeyey hadalkaas ayaaba iga sii daray oo yiri: Alla war li’idaa. War waa madaxaa haku furto. Duqo intuu noolyahay meelna uma socdo.

Sidaasay tahay quluubtii waxgaradka Soomaalida waxay guddoon-satay yaan laga hor iman dowladan, hana lasoo dhaweeyo, sababtoo ah, wax la’aan wax xun baa dhaamaa, horaa waxaa loo yiri: Ninbaa nin kale ku yiri tol xumo, kiina wuxuu ku jawaabay tol laawe. Marka waxay u egtahay dowlad la’aan intii nala dhihi lahaa dowlad xumo-yaal hanalagu sheego.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button