Culimada Soomaalida waxaa u hadlay Sh. Cumar Faaruuq oo dadweynaha ugu baaqay in la taageero dowladda Soomaali u dhalatay. Ganacsatadiina baaqyo ayey kasoo saareen Dubay iyo Muqdisho oo cadeeyeen iney taageerayaan maamulka cusub. Aqoonyahan-kiina shirkoodii Nayroobi ayey taageero buuxda uga direen dowladda. Dowladani wali lama hayo qof Soomaali ah, dabaqadduu rabo ha’ahaadee, oo yiraahda dowladan ma’aqoonsani, marka laga reebo walaalaha W/Galbeed.
Xamar uma socdo. Xabashi ayaan dadka hubka uga dhigayaa. Xoog mooyee xod-xodosho la’aan, wa astaamaha dowladdan cusub.
DOWLAD JABHADNIMO ISU BADASHAY.
Shirkii dhawaa ee Barlamaanka wuxuu la soo baxay dhawr qodob.
kooxihii dib-u-heshiisiinta loo qabtay ooba kala maarmay ayaa muuqatay. Shirkii Qaahira C/Laahi Yuusuf iyo Aadan Gabyow ayaa ka baxay hawshii iney guulaysan weysana ayagay sababsatay. Cartana goortii ay diideen dagaal oga-yaashii waa tay gacaha ku socon weysay. Maantana Dowladan iyagoo banaanka jooga ayey ka maarmeen qaybo badan oo caqabad ku noqon kara dowladdii. Marka Jabhad-nimo ayey dooratay.
Dowladdii Carta lagu soo dhisay goortii wakhtigeedii dhamaaday ayey isku dhacii ugu horeeyey bilaabeen, gaar-ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, tanna iyadoon dhalan bey dhiciskii ka hor dirireen. Talow maxay ku danbeyn doontaa? Malaha jabhadnimo.
Fadhigii dhawaa wuxuu bilaabay in lakala maarmi karo, haddii Shariifkii laga tashaday, waliba isagoo meel u dhaw jooga, taasi waxay keeni kartaa in isaguna uu ka maarmo ragga kale ee dowladda ugu sareeya.
Baydhabo oo hada dagaal fool u ah ayey dowladdu dagaysaa baa la go’aamiyey. Xamarna waa meel aan ladagi karinna waa lagu dhawaaqayaa. Sidaasi waxay kuu muujineysaa in maskax aan Soomaali ahayni ay talada dalka hayso.
Dowlad-nimo magaceed iyo wada socod wixii lagu waayey miyaa lagu heli doonaa Dalxa oo shir guddoon ah. Geeddi oon horay uga mid ahayn kuwii caqabadda ku ahaa dowladnimada. Iyo C/Laahi oo raba inuu adkaado ama uu dhinto isagoo jidkii adkaanshaha haya.
BAYDHABO KA BILOW KUNA DHAMAYSO.
Waxay dad badani isleeyihiin duqu hadduu Madaxweyne helay waa xiligii uu nasan-lahaa, laakiin sidaasi manoqone, wali inuu dagaal sii wado ayuu diyaar uyahay, sidii uu ku sheegayba khudbadiisii koowaad.
Qadarta ilaahay, waxaa yaab leh, Baydhabadii uu dagaalka firkadiisa ku bilaabay ee uu Madaxweyne-nimo ku gaaray, ayuu mindhaa isyiri, hadana hadaad dagaal-kaada Baydhabo ka bilowdo, mindhaa sidaad Madaxweyne ugu heshay, ayaad dalkana ku dajin doontaa.