Maqaallada

AAN KULA OOYEE ALBAABKA IGA FUR.

Sidaas waxaa E-mail iigu soo diray Saaxiib kunool qurbaha oo uu dhalay Mudane Sh. Mukhtaar. Waa Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya. Fariintiisii wuxu uga dhigay sidatan.

(Waxaan kamid ahay jiilka qurbaha jooga ee marwalba ku tallama iney dalkii kusoo laabtaan, markaanse maqaal-kaadii akhriyey oohin baan la fuuray, aabahay Sh. Mukhtaar oo hada Sagaashankii kor u dhaafay, oo caafimaad qaba, kolka agtiisa lagu daaro Raadyaha, wuxuu la qayliyaa, war iga damiya, isagoo nacay, sida qiimada darrida ah ee ay uhadlaan  iyo halista u wadankii ku sii hoobanayo. Wuxuu hadalkiisii kusoo gooyey ( AAN KULA OOYEE FAHADOW ALBAABKA IGA FUR).

Bal u fiirso, dibna ugu noqo maqaalkii u danbeeyey, waxaad qiraysaa in jiilkii Sh. Mukhtaar uu gaaray heer uu kohdo dhagaysiga warbaahinta Soomaalida, isagoo nacay darxumadu halka ay gaartay.

Qoraallo aad u badan oo aan ku dhaleeceynayo dowladan Nayrooni lagu alifay ayaan qoray, dadkana waxaan tusay in hogaankeedu uusan ahayn kii saxda ah, taasi waxay dhalisay dad badan oo dhibsada fariimaha aan gudbino, qaarkoodna waayadan danbe ayey fahmeen qayb kamid ah khatarihii aan ka digi jirnay.

Hadda hadii baddii lakireeyey, dhulkiina intii maqnayd la fasaxay, intii wada socotayna hadii lakala jaro aysan dowladu dhib u arag, akhristuhu gar ma’iisiinayaa wixii dhaleeceyn ahayd ee aan qori jiray.

Waana inoo isniinta danbe ilaahay idankiis, iyo dhamaystirka sheekadan.

Rabbo sanadka xiga dowlad waarta oo wanaagsan baan kaa barinay.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button