Maqaallada

DANTIIS OOGE.

Anigu waa anigii. Adiguna waa adigii. Halkaan usocdo maad ma’ogid. Adna halkaad usocoto kuumacadda. Adigu waad i aamineysaa. Anna waan ku sirayaa. Mise waad i ogtahoo adna waad igu danaysan? Waxaanse heshiis ku nahay inaad daacad ii ahaato. Anna aan kugu danaysto.

Horay isumaanan aqoon. Meel Xillaan kuugu imid. Xorriyad-baan ku siiyey. Xiriir shax-shax ah baan yeelanay. Xor baad noqotay. Xer baad yeelatay. isku meel baan wax u wadnaa. Adiguse xil iyo xoolo-doon baad tahay. Anna xuduudo badsi iyo dhul xaarashaan ku hawlanahay. Cadawgaagu waa cadawgeyga. Saaxiibadayse saaxiibadaa ma’ahan. Dhaqaale kuma siin karo. Kuwii ku siin lahaana anay igu kaa naceen. Inaad wax sirto kuuma ogoli. Adiguna aniga ima siri kartid.

Qaar xun-xun baa ku dhaha isma-wadidee waa lagu wadaa. Manimaan lawdin baa jira ku dheh. Waxan adaa noo bilaabay hadday ku dhahaan. Laga baray laga badi ku dheh. Dacaayadooda hadhagaysan. Wararkooda hamaqlin. Dantaada mayaqaanaan. Adna tooda maqaban kartid.

Waxaad rabtey rabaan. Dadkoodana wax bay larabaan. Annagana nama rabaan hadday gaaraan meeshaad joogto. Adiguse igaar raayaad-tahay. Nimaan kugu doorsanno mahayno. Adna cidaad nagu doorsato mahaysid. Intaad gaartay anagaad nagu gaartay. Taageeradeenna awgeed ayey dad badani kaaga baqeen. Hadana wey kaa baqayaan mooyee, madaxay kugu qaadi-lahayeen.

Maxaa kuu dan ah hadday ku dhahaan. Goormaad adinku wax ila qabateen ku dheh. Dektaatoor marabno hadday ku dhahaan. Dektaatoor maxaa la dhahaa ku dheh. Hadday iloobeen qofkaad dad ka’ahayd xusuusi oo u sheeg dad ninkaad ka tahay. Si’ay kaaga quustaan waxay kaaga baqaan maqashii.

Inaad iyaga tahay magac ahaan kaliya fahamsii. Taladase inaad nin heer gobol tahay u sheeg. Wey illow badanyihiinee goortaad halkanka bilowday marwalba xusuusi. Kii kula hadlaa waxaad dhahdaa sanadkii guduudane xageed dunida kaga nooleyd? Wey afxunyihiin, oo waxay ku oran dumiye wax ma dhisi karaa? Daadiye wax ma dhawraa? Alla sow adigii ma’ahan hadday hadalka ku soo gooyaan. Waxaad dhahdaa yaa iga fiican ood haystaaan? Qof kale haduu jiro maxaad u boqran-weyseen? Wixiinu waa kibir iyo isla-weyni, isoo raaca hadaad dantiida taqaanaan, haddii kale daybshaa idin qaadi, inta idinka soo hartana tubtay cagta saari. 

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button