Dadbadan oo Soomaali ahi waxay si joogta ah isu weydiiyaan sababta Mudane Cali Mahdi uu si fudud siyaasada uga siibtay, kadibna uu kusoo baxay qof caadi ah, isagoo bari ahaan jiray hogaamiye dunida oo dhan laga yaqaan, oo markaas hadalka dunida iyo dadka Soomaalidaba uu ahaa Cali Mahdi iyo Caydiid.
Hadaan si sahal ah uga jawaabo, wuxuu dhulka ku dhacay magaciisii goortii uu dhulka lasimay jiritaankii Maxkamaha Islaamiga ahaa ee uu bilowgeedii raali ka’ahaa in la’abuuro. Wuxuu heshiis lasoo galay dowlado shisheeye si loo tirtiro rajada diineed ee Soomaaliya kasoo dhalatay.
Inkaarta bulshadii ku hanweyneyd baahinta nabadda ee ay Maxkamadaha Islaamiga saldhig u ahaayeen, iyo cuqabadii eebe-weyne ayaa dhulka la dhigtay muuqaalkii Siyaasadeed ee Mudane Cali Mahdi, taasoo dhalisay inuu waayo maqaamkii hogaamineed ee uu Soomaaliya ku lahaa.
Waxaanse aad ugu faraxsanahay in Mudane Cali Mahdi uu dhawaantan is dabaqabtay, oo sida aan soo arkay, wuxuu dhisay Masjid uu ugu talagay in eebbe weyne uu ajar ka siiyo, danbigiisii horana uu ku dhaafo, waxaa sidoo kale igu maqaala ah inuu qabrigii lagu aasi-lahaana uu kasii ag-dhistay, sidaas awgeed waxaan ilaahay uga rajayneynaa, is badalka hada ka muuqda Mudane Cali Mahdi inuu noqdo mid loo aqbalo, wixiisii horana looga tirtiro.
Sidaas si lamid ah waxay hada haysataa Dr Ibraahim Dusuqi, oo bari kamid ahaa Culimada Soomaalida, gaar-ahaan kuwooda Muqdisho. Wuxuu caan ku ahaa inuu kamid ahaa hormuudka baraaruga Islaamiga ah ee Soomaaliya, mudo dheer waxaa aad loo dhagaystay Muxaadarooyin uu ku faafinayay Diinta Islaamka, waxaan xusuustaa iyadoo goobaha uu wax ka akhriyo siweyn loo camiro, sidoo kale iyadoo lawaheshado kolka xaalad Islaamka khuseysa lasoo hadal-qaado.
Muuqaalkaas wanaagsan wuxuu dhulka ku dhacay dhamaadkii sanadkii 1999-kii. Maalinta caalamiga ah ee xuquuqd aadanaha. Ninkii aan kor kusoo sheegnay sidii loo jeclaa, ama loo daba ordi-jiray, waxaa dhacday in isagoo Masaajidka Sh. Cali Suufi darsi ka’akhrin raba in korsiga lala-gadiyo, oo banaanka looga saaro, dagaal fududna uu goobtii ka dhaco, waxaa intaas dheer Dusuqi wuxuu lumiyey magicii diineed ee uu bulshada kudhexlahaa, wuxuu noqday qof caadi ah, dad badani waaba ilaaween inuu mar lahaa magac diineed.
Sidaas haday dhacday maxaa sabab u ah? Maxaan isaga iyo Cali Mahdi tusaale isugu soo qaatay?
Shir ay soo abaabuleen hay’adaha bulshada rayidka ah iyo qaarka dhaha waxaan u doodnaa xuquuqda aadanaha ayaa lagu martiqaaday Dr Dusuqi iyo Sh. Axmed Qudubi oo labaduba ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Al-Islaax, faracna ka’ah ururka Caalamiga ah ee ( Akhwaanul-Muslimiin). Shirkaas laba khudbo oo sii kala liidata ayey goobtii ka jeediyeen. Qudubi wuxuu aflagaadeeyey Xadiiska Nabiga S.C.W. Dusuqina wuxuu afmuggii ku caayey Xaaskii Nabiga S.C.W. waa khalad aysan labadoodu ilaa iyo hada ka towbad-keenin. Afxumadii uu maalintaas Dusuqi u geystay Caa’isho waa wax aanan halkan kusoo qori-karin, laakiin waa qiso ay Soomaalida oo dhami ka warhayso.
Hadalkaas iyo khaladaadka kale oo ay cajaladaas ku galeen isaga iyo Qudubi, wallow hadalka Dusiqi sii foolxumaa, waxaa aad u naqdiyey, aadna uga carooday shacabka Soomaaliyeed iyo Culimadii Soomaaliya.
Sh. C/Qaadir Nuur Faarax (Garawe). Sh. Maxamud Shibli (Holan). Sh. Axmed Daahir Aways (U.K). Sh. Xasan Daahir Aways. Sh. C/Laahi Xaashi. Sh Maxamuud Abuu-Shayba. Sh. Xasan Xabeed. ( Muqdisho) iyo Culimo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin ayaa cajalado iyo muxaadarooyin dhaadheer ka duubay, intii aan dhagaystay waxaa ugu diyaarin qurxanaa Sh. Maxamud Shibli ( Holan).
Hadafka aan faaladan u qorayo ma’ahan inaan hada la doodo Dusuqi, ama aan baarintaan cilmi ah kusamayno saamaynta uu hadalkiisii lahaa, waayo taas waxaa ka hadlay Culimo arintaas awood u leh, xaqeedana siiyey, culimada qaarkoodna waxayba ku sigteen iney gaal-nimo ku xukumaan Dusuqi, waase ka dhawrsadeen, anaguna sidaasoo kale waa inaan uga dhawrsanaa, laakiin wixii taas ka soo haray, waa nin-iyo kartidiis (Ijtihaadkiis).
Qodobka aan rabay inaan bararujiyo wuxuu ahaa maxaa muuqaalkii culimo-nimo ee Dr Dusuqi loowaayey? Waa sidii Cali Mahdi ku dhacday oo kalee, kolkii uu hadal anshax-xumo ah la’aaday gurgii Rasuulka S.C.W. ayuu habaarka cirka kaga soo dhacay, wuxuu waayey shaarkii diineed ee uu huwanaa, wuxuu dadkii dhexdooda ka noqday nin diin lahaa, asii ku afxumaaday Rasuulka iyo Hooyadii Mu’miniinta, kadibna wasakheeyey shaarkii nadiifka ahaa ee uu huwanaa.
Arinta layaabka lihi waxay noqotay xiligaas ilaa iyo hada Dr Dusuqi waa laga la’yahay inuu ka cudurdaarto khaladkaas uu galay, xitaa waxaa lagu kari-waayey inuu hadlo oo uu yiraahdo hadalka saan u iri ma’ahanee si kale ayaa loo qaatay, waana ka cudurdaaranayaa khaladkaas aan galay ee uu afka iga xaday. Malaha isla-weyni ayaa qaaday!!.
Dadka qaar ayaa aniga igu eedi kara maxaad Dusiqi uga hadlaysaa? Waxaanse ku qancinayaa saaxiibadaas, waagii uu Quraanka ku soo dagayey Nabiga S.C.W. wuxuu waxyi kasoo dagi-jiray khaladaad intaas kayar, mindhaa hadii ay dowlad islaami ahi jiri-lahayd maanta Dusuqi xukun adag ayuu mudanlahaa.
Qoraalkan waxaa isoo xusuusiyey dhawaantan oo loo dabaal-dagay maalinta caalamiga ah ee xuquud aadanaha, oo runtii aniga iigu calaamadaysan maalintii Dusuqi Caa’isho caayey.
Wakhtigaas dheer kadib Dr dusuqi magarawsan-doonaa inuu si qayaxan uga noqdo gafkii uu kagalay Hooyadii Mu’miniinta? Waa su’aal aan jawabteeda sugayno 7.sano kadib, sidoo kale ma is dabaqaban doonaa sida uu Cali Mahdi isu dabaqabtay?
Maxkamadda Saddam Xuseen: Fariin Madaxda Carabta Loo Dirayo
Sadaam Xuseen sidaan horay usheegnay waa nin noloshiisii oo dhan hal-xiraale kudhamaystay, ilaa laga soo gaaro sidii loo xiray, oo ahayd qiso aysan dadku fahamsanayn.
Maalmahan waxaa Bagdaad kasocday maxkamadaynta Saddaam Xuseen iyo dhawr saxiibadiisii xukunka kamid ahaa. Waxaa aad loo daawaday Saddaam Xuseen oo dal-dalmaya, ood moodo inuu wali dalka xukumo, waa marka aad eegto sida uu u dhiiran-yahay, u hadal-adagyahay, misana isugu kalsoon-yahay.
Siweyn ayaan u raad-raacay maxkamaddiisii, waxaan arkay nin lasoo qafaashay oo inta wadankiisii dukum-daakum laga dhigay, isagiina ay Maraykanku ku jees-jeesayaan. Hadafka maxkamadan laga leeyahay ma’ahan in garsoor lagu gaaro, ee waa mid lagu muujinayo sida loo dulaysan-karo ninkii ku dhaga-adkaata danaha R/Galbeedka.
Waxaa muuqda isbadal xaga fikirka ah oo kudhacay Madaxweyne Saddaam, wuxuu waayadan danbe u muuqdaa nin xaga diinta u jeestay, oo xoogga saaray quraan akhris iyo cibaado.
Danteennu ma’ahan inaan Saddaam Xuseen hadeer u muujino nin ay gacantiisa caddahay, balse, oo waliba sida dhabta ah, wuxuu ahaa nin ku xun diinta, ixtiraamka dhiigga shacabkiisa, sidoo kale waxaanan marnaba la inkiri-karin inuu ahaa nin dadkiisa gacan bir ah ku xukuma. Xisbigii uu madaxda u ahaana, wuxuu ahaa mid diinta Islaamka aad uga fogaa.
Sidaasoo ay tahay, kun jeer ayuu naga xigaa kuwa meelaha dhaadheer uga soo duulay dalalka Islaamka. Sh. Safar Xawaali waxa laga hayaa: Xisbul-Bacthi ilaa barri ayaan colnahay, Kiristaan-kana ilaa Qiyaamaha ayaan colnahay. Waa sidaasee intii isticmaar uu dunida islaamka la wareegi-lahaa, waxaa dhaama, ina adeer caqiiqada ka khariban-tahay, waayo wadanka ayaad wada leedihiin, xalna waad ka gaari kartaa, laakiin kolka isticmaar kula wareego, waxa maanta Ciraaq ka socda ku quus-qaado, adoo is xusuusinaya sidii ay ahayd Ciraaq waagii Saddaam iyo Xisbul-Bacthi.
Kuwa ku marag furaya haddeer Saddaam iyo saaxii-badiis, waa rag da’yaraa kolkii ay dhacday qisada Dujayl oo ah kiiska hada loo soo maxkamadeeyey. Ninka ku marqaati furaya, wuxuu ku andacoonayaa inuusan wax lug ah ku lahayn isku-daygii dileed ee lala-beegsaday Saddaam Xuseen, taasoo ay ka dhalatay in dowladii Saddaam ay dad badan uleyso, iyadoo maxkamadu ay soo oogtay dad gaaraya ilaa 148.ruux oo loo haysto in nidaamkii Saddaam uu dilay, qaar kalana uu xasuuqay.
Qareenka Saddaam Xuseen Mudane Najiib Al-Nucaymi, oo habeenkii Axaddii uwaramayey TV-ga Dubai ayaa sheegay inuu hayo cajalad Vidyow ah, oo ninka hada ku murag-furaya uu ku qiranayo inuu ka qayb-qaatay isku daygii shirqoolidii Saddaam Xuseen, wuxuuna yiri: Wuxuu hadalkaas lahaa isagoo faanaya oo u waramaya TV. R/Galbeed ah.
Kolkii lasoo qabtay Saddaam Xuseen ee ay Maraykanku lasoo wareegeen, ilaa iyo hada waxaa kamuuqata inuusan jilcin, dad kala duwan oo soo booqday, waxay muujiyeen iney u tageen nin u hadlaya sidii isagoo Ciraaq u taliya.
Inta ay maxkamadu socoto, wuxuu hadlakiisa u badanyahay khudbooyin dhaadheer oo uu kaga hadlayo siyaasada Ciraaq iyo faragalinta R/Galbeedka, wuxuu aad ula yaabahanyahay, in isaga loo soo maxkamaday-nayo dad uu jir dilay, misana isaga laftiisa jir dil weyn loo geystay, oo uu yiri, raadkeedii ayaa jirkeyga haddeer ku yaalla.
Dad badan oo dunidan guudkeeda ku nool, waxaa laga dhaadhiciyey in Saddaam Xuseen uu haysto hubka wax gumaada, sidaas awgeedna ay gar-tahay in hubkaas gacantiisa laga soo wareejiyo. Beentaas sidii loogu cel-celinayey ayey dad badani rumaysteen.
Cidkastoo hadashay oo arintaas khuraafo ku tilmaantay lagama akhrisan, lamgana rumaysan, ra’yul caalamka intiisa badan waxaa la qaadsiiyey in nadaamka Saddaam Xuseen uu haysto hubkaas halista ah, uuna dhawaan u isticmaalayo wadamada dariska la’ah, gaar ahaan Israa’iil.
Cadayntii ugu muhim-sanayd waxay ka timid Madaxweyne Bush, wuxuu dhawaan isagoo miyir qaba afkiisa ka yiri: Wararkii ay mukhaabaradku noo keeneen, ee aan sababteeda Ciraaq u weerarnay, ma’ahan warar lagu kalsoonaan karay, amarka in lagu duulo Ciraaqna aniga ayaa baxshay, aniga ayaana masuul ka’ah.
Hadalkaas goortii uu afka Bush kasoo baxay, waxaan islahaa shacabka Maraykanku mudaaharaad baaxad leh ayuu dhigi-doonaa, waxayna qiri-doonaan in dowladooda ay been usheegtay, markii aan wax dhaqaaq ah waayey, ayaan is xusuusiyey in shacabka Maraykanku yahay isla shacabkii ayaantii horaba rumaystay beentaas, hadana waxaa laga dhaadhiciyey joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Ciraaq waxay gabaad u tahay nabad-galyada Maraykanka.
Waxaa isweydiin mudan, haddii Markaykanku Saddaam Xuseen sidaas u dulaystay maxay filan-karaan madaxda kale ee carbeed? Waxaa shardi ah Madaxweynihii carbeed ee raba inuu geeryoodo isagoo wax xukumaya inuu si joogta ugu hogaan-samo danaha Maraykanka, hadii kale jidka Saddaam Xuseen ayuu qaadayaa.
Wuxuuse Maraykanku meelna soo dhigan, kuna fakarin, awoodda rabbi-weyne, iyo inuu diintiisa ilaashanayo, waxaa intaas dheer in shacuubta muslimku aysanba raali-ka’ahay madaxda hadeer xukunta, misana aysan ogoleen in la gumaysto.

