Maqaallada

C/LAAHI YUSUF & AWEYS

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji

Shirkii ayuu ka hadlay wuxuu yiir isna ( Diinta Islaamka waa in la’isku xukumaa, ilaahayna loo towbad keenaa) intaas waa intii wadaad diinta faafiya lagu yiqiinay, wuxuu gadaal ka raaciyey dowladani waa mid ilaahay la dirirsanyahay, marka meel gaari mayso iyada ayaana fashilmeysa. Hadalkaas danbe waa fariin cad oo tilmaameyso in Siyaasi Xasan Dahir Aways uu ka soo horjeedo dowlada hada jirta Arinta yaabka leh waxay tahay dhawrkan qodob.

  1.   Kow maxaa isku beegay, oo isku wakhti ka dhigay? Yaa halmar soo agaasimay? Waxaa maalmahan muuqda in Siyaasada Xamar ay isku hayaan sadax qolo oo kala ah qaybta Sh. C/Laahi Yuusuf hogaansho. Qaybta Siyaasi Xasan Daahir Aways hogaansho. Iyo qaybtii dagaal-ooga-yaashii hore, oo iyagu hada taageero xadidan misana wakhti ku kooban ka haysta cid walba oo kasoo horjeeda Sheekh C/Laahi.
  2.   Sadaxdaan nine eek ala ah Madaxweyneha R/Wasaaraha iyo Sheekhaba maxay hal mar dhaqanno aan laguwada aqoon u muujiyeen. Madaxweynuhu hadallo diineed oon looga baran ayuu ku dhawaaqay. R/Wasaaruhuna hadallo uu ku helayo darajada Aw ayuu ku hadlay. Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir wuxuu banaanka soo dhigay shirka Balcad laga bilaabo inuu kamid yahay Siyaasiyiinta Koofur wax laga weydiinayo. 

Tolow maxaa is badalay? Yaase shaxdaan sidaas u dhigay? Waan hubaa in Soomaaliya wax badan oon lafilayn inay ka soo baxeen, kana soo bixi-doonaan, tanina ay kamid tahay muuqaalada hada jira ee toos loo arkayo, anagoo sugi-doonna kuwa kale oo kaa yaabiya ama kaa farxiya.

Sidaan ay hadda wax u dhaceen, waxaa loogu talagalay in qolo waliba ay is muujiso, oo ay banaanka isa soo dhigto, kuwii Siyaasiyiinta ahaa waxay rabeen iney bixiyaan sawir ah, war anagu diinta kama fogin, kuwii Culimada ahaana waxay naleeyihiin, war anagana waa nakan, oo hadaan kooynay.

Anigase waxaan qoraalkan ugu talagalay inaan tooshka ku qabto falkan sida dhabta ah u dhacay ee aanan sidaydii ku riyoonin.

Sadaxda qisaba inaan wada taageersanahay, ama qaar taageersanahay, ama aan kasoo wada horjeedo mid kamid ah inaan muujiyo uma dan-lihi, ee waxaan u jeedaa inaan dhacdada kaliya akhriyo, adiga akhristaha ahna aad talo ka dhiibato.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button