Maqaallada

ALLAW CEEB INTAAN BAA NOOGU FILAN.

SANAD GUURADII KOOWAAD EE FALLADA ISNIINTA. 

Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii hore kolkuu uu maamulka Somalitalk isku afgartay in aan bilaabo faallo todobaadle ah oo lagu falanqeeyo hadba mushkilad, ama dhacdo ka jirta G/Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya. Wuxuu heshiisku dhexmaray Somalitalk iyo Ayaamaha inuu isku maalin kusoo wadabaxo.

Taladaasi waxay u muuqatay midaan lagu ordi karin, anigoo aad uga cabsi qabay sida aan u joogtayn karo qorista maqaal ballan xadidan u sitkan, ahna dhaqan aan ku badneyn Saxaafada Soomaalida, siiba tan Internet-ka, waxaanse gudoonsaday inaan hawshaas u kaco, anoo rabi tala saaranaya.

Sanad ayaa kasoo wareegay bilaabisti qoraalkaas, wuxuuna soo baxay maqaalkii koowaad 29.kii Bishii 11.naad ee 2004. isagoo ku bilaabay dhacdadii naxdinta lahayd ee mudo dheer uu loolankeeda ka socday Hargeysa. Waa xarigii Samsam Axmed Ducaale.Waa sheekadii loo bixiyey qisadii qarniga.

Hal maqaal oo aan arinta gabadhaas ka qoray ayaa sabab u noqotay in laga tiriyo gabayo taariikhda galay, oo kor udhaafay 30.gabay, oo ay abwaanadu isugu hal celinayeen. Sidoo kale waxa laga qoray isla arintaas maqaalo kor udhaafaya boqol.

Dhacdadaasi waxay muujisay sida shacabka Soomaaliyeed uu u noolyahay, oo ay wali furantahay in la’abuuri karo qadiyad aan siyasad ku dhisnayn oo ay heer qaran u wada difaacan karaan.

Mudadii sanadka ahayd ee aan qoraalkaas ku hawlanaa, waxaan helay tiro kabadan 1200. oo E-mail, iyo Telefon aanan tiradooda xusuusneyn, oo u kula qaybsan dhiirigalin, dhaleecayn, toos-toosin, iyo siyaabo kale. Waxaan faaladas aawadeed isku baranay akhyaar kor u dhaafaya 50.meeyo ruux,

Dad badan waxay maalinta Isniinta u ahayd hawl ay sugaan, oo kamid ah jadwalkooda shaqo, waana sida ay Somalitalk iyo Ayaamaha usheegeen qaar badan oo kamid ah akhristayaasha, iyadoo ay ku jiraan tiro aan yarayn oo colaad joogta u haysa qoraalada ay xanbaarsantahay faalladan.

Dhacdooyinka lagu xusuusan-doono waxaa kamid ah, dhawr maqaal oo muhimad gaar ah uyeeshay siyaasada gobolka ama tan Soomaalida, waxaana kamid ah kuwan.

Maqaalkii khudbadda Madaxweynaha oo ahayd sheeko mala’awaal ku dhisnayd, asii talo soojeedin ahayd, wuxuu noqday maqaaladii loogu hadal-haynta badnaa. Jornaalka Ayaamaha wuxu maalintaas dhamaaday saacadihii ugu horeeyey, wuxuuna gaaray in lagu kala iibsado lacag hal doolar u dhigta, waxaa intaas dheer in dad badani ay run u qaateen.

BBC-da qaybteeda wararka uruurisa, oo Somalitalk iyo Ayaamaha ay kamid yihiin hay’adaha warbaahineed ee ay wax ka soo xigteen ayey qoraalkaas daqiiqadii uu soo baxayba, waxay u turjumeen ilaa 9.luqadood oo caalami ah, waxaana lawada dhigay isagoo Afafkooda urogan ilaa 25.dal oo isugu jira R/Yurub iyo Qaarada Afrika.

Faallo aan ka qornay xariga lagula kaco siyaasiyiinta Jawhar jooge ee si’un uga horyimaada maamulka deegaankaas ama tan dowlada oo aan ugu magac darnay “ Xabsiga Jawhar Soomaaloo dhan maqaada” wuxuu sabab u noqday in maamulka Jawhar uu mamnuuco keenista wargaysa Ayaamaha.

Wada hadalka hada lawado ee ah in la dhexgalo labada garab ee dowalada, labadii shir ee udanbeysay ee lagu kala qabtay Jawhar iyo Muqdisho, waxaa laga kala akhriyey laba warqadood oo ay kala qoreen Wasiirka dib-udhiska Barre Hiiraale, oo warqadiisii laga akhriyey fadhigii Jawhar, halka faalladii aan Geedi ka qornay laga akhriyey fadhigii Xamar, iyadoo waliba ahayd mid kusocotay Madaxweynaha.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sidoo Kale Eeg
Close
Back to top button