Maqaallada

CAR  IGARO: DAGAAL OOGE IYO DANTIIS OOGE.

DAGAAL OOGE.

Aniga ma itaqaan? Yaad imoodaan markaan idinla- hadlayo? Tolka inaan ahay baad iila hadashaa. Anna inaan ku danaysto baan beesha usheegtaa. Hadaan nin xun ahay sow adinku iima kabagalin. Dawlad la’aan hadaad ka xuntihiin maxaad aniga iisoo hormariseen? Awal darawal baan ahaa. Hadana daroogaan ka shaqeeya, adinkuna dowlad baad iga sugaysaa. Alla war li’idinaa!!

Kuwa xun-xun baa hada icaaya. Dagaal ooge ayey iigu yeeraan. Ma dadnimo kale ayaa jirta hadaan beesha dagaal lagu daafacayn. Wadaadku muxuu cidda ugu tooranyahay? Sow kan aniga ii tufa ma’ahan? Taajirku muxuu cida u qabtaa? Sow kan lacagta isiiyo ma’ahan? Saxafigu muxuu qoraa? Sow kan dadka iyo aniga iskaaya baray ma’ahan? Haweenka maxay hayaan? Sow kuwa ii buraanbura ma’ahan? Hadduu xaalku sidaas yahay. Kaligay maxaa dagaal-ooge la’iigu baxshay. Cadaalad xumaa!

Dadku waa diin wax ku dile. Waa qalin wax ku dile. Waa lacag wax ku dile. Waa Qaylo wax ku disho. Danbigaan wada lahayn maxaad kaligay ii saarteen? Ugaasku sow aniga lataliya iima’ahan. Jaamicigu sow afhayeen iima’ahan.

Daroogadaan beerto intaasoo akhyaar ah sow kuma biilo. Anigu dowlad masoo wado, saa danteyda ma’ahan. Adinkuna in aydnan dowlad rabin waxaa u marag ah, anaad iidi dirsateen, mise waad iga wardhawreysaan!!

Sidaan idiin dagaal-galiyo waa aqaan. Shaarka wadaniyaan gashtaa markaan danteyda waayo. Danta qabiilkaan ka hadlaa markaan nafteyda waxay cunto uwaayo. Adinkuna waad igu raacdaan, ileen wali anaa idin matalee. Allow Alle.

Diintu waxay noo sheegtay hogaan fiican dad fiican buu ka dhashaa. Horta dad fiican adinku noqdo. Markaas baan meesha ka baxayaa.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sidoo Kale Eeg
Close
Back to top button