Maqaallada

ISBAARADA BADDA IYO TAN CIRKA GORMAA LAQAADAYAA? 

Soomaaliya waxaa isku haysta laba kooxood oo ay kala-matalayaan kuwa aan dowlad-nibama rabin, hadafkooduna-yahay sidii looga hortagi-lahaa khatarta ay dowlad-nimadu u leedahay danahooda shakhsiga ah. Kooxda kale waa koox ay raba in dowlad la helo, waxaase ka xun jidkii loo mari-lahaa, waliba dhibaato ka sii xun dowlad-la’aanta ayey soo wadaan, oo ah in dalka shisheeye loo dhiibo.

Xamar ceebta koowaad ee saraan waxay noqotay jidkii dowlad-nimada iney caqabad ku noqdeen, markaan Xamar leeyahay waxaa ula jeedaa hogaanka Siyaasadeed ee kala-qaybsan ee hubka ku haysta Muqdisho.

Dhacdooniyka aniga shakhsiyan iga soo marta Isbaaro ee aan xusuusto masoo koobi karo, waxaanse waligay ilaawaynin qisadan. 5.tii galab-nimo ayaan gaari tareelle ah ka soo raacay jidkii dheeraa ee warshadaha, wuxuuna usoo socday Baydhabo, 48.saacadood kadib ayaan Afgooye imid. Gaaarigii aan saarnaa oo ahaa tareelle, waxaan arkayey inta ay le’egtahay dherarka gaariga inay ku dhex jireen ilaa 5.Isbaaro, oo ay khasab nagu ahayd inaan mid walba gooni ula heshiinno.

Qisoo-yinkii hore markaan meel iska dhigno, oo aan usoo laabanno hawlaha ay hadda wadaan labada gole ee mudada dheer ku sugan Muqdisho. Tan iyo maalintii ay xamar tageen waxaa lawadaa hadal ah, Isbaaro ayaan qaadaynaa. Jidkaas ayaan Isbaaradii ka qaadanay. Haddan nahay Qabiilkaas waan qaadnay Isbaaradeennii.

Dad badan ayaa moodayey Isbaaradu iney tahay falal ay si anshax-xumo ahi ugu kacaan wiilal yar yar oo aanan haysin fursad shaqo, ama aysan jirin maamul ay ka baqaan. Laakiin dhawaan waxaa la ogaaday in Isaabrooyinka yaalla xamar ay u yaalaan dagaal-ooga-yaashii hore, Wasiiradii danbe. Waxaa la hubsaday in 85%  Isbaarooyinka yaalla iney dhigteen Wasiirada dowladda ku jira. Sidee ayuu noqonaya dareen-kaadu markaad ogaato in Wasiir hebel ay meel heblo utaallo Isbaaro, uuna isagu yahay kan dhacaya dadka, oo ka qaadanaya canshuur aan sharci ahayn.

Dadbaa ku dooda in 15.Sano oo fawdo ah aanan maalmo ama bilo lagu xalin karin, taasi waxay run u ekeenaysaa marka arintu tahay in bulshada waxa laga qabanayo, laakiin sidee ayey dhab u noqon-kartaa marka ay Isbaaradu u taallo Wasiirkii la rabay inuu isaguba ka hortago arintaas, misa waxaan leenahay Wasiirka laftiisa ayaa in dhaqankaas laga tir-tiro maskaxdiisa wakhti dheer u baahan.

Nairobi kolkii dawlada lagu dhisay oo ay hogaamiye-yaasha Muqdisho Wasiirro noqdeen ayuu mid kamid dadka weydiiyey. Waa imisa mishaarka lasiinayo Wasiirka anigoo kale ah? Waxaa la yiri 2500. Doolar ugu badnaan, maadama dalku uusan dhaqaale lahayn. Kolkaasuu la hadlay maamulihiisii dhaqaalaha, wuxuu su’aalay imisa ayaa naga soo gasha Isbaarada? Wuxuu yiri cel-celis maalintii 6500.

Mid kalana tolkiis ayaa kula taliyey inuu Siyaasada isaga baxo oo ay lacag u uruuriyaan si’uu ganacsade u noqdo. Wuxuu ugu jawaabay waligiin hal maalin gudaheed ma’idin soo gashaa wax kabadan boqol kun oo Doolaar? Isbaarada taalla jidadka kaliya waxaa maalintii ka soo xaroota 55.kun oo doolar, waana qiimeyn sax ah oo si cilmi loo sameeyey. Runta ka jirta Xamar waa taas.

Intii bilood ee ay labada gole joogeen Muqdisho waxaa sheekadii xamar ka jirtay oo dhan naloogu soo koobay Isbaarada halaqaado. Noloshii kale ee dhimanayd wali lagamaba doodin. Sidii nadaam loogu samayn-lahaa Xamar wali lagama doodin. Horumar-kale oo dhanna warkiisaba iskadaa.

Isbaarada lafteeda qaybaha ay u kala baxdo waxaa mar ka faallooday C/Nuur Faarax oo bishii hore Maqaal wacan ka qoray. Waxaanse wali laga maqal labada gole ee Xamar jooga iyagoo Isbaarada si dhamays-tiran uga hadlaya. Waxay ka hadalaan oo kaliya Isbaarada Barriga taala ee u taalla wiilal yar yar oo hankoodu yahay sidii ay maalintaas shilin ay ku qayilaan u heli-lahaayeen.

WFP oo 48 Saacadood u Qabatay in lagu Siidaayo Markabka Lagu Afduubay Somalia

Waxana ay WFP ku eedaysay DFKMG wax ka qabasho la’aanta siideynta markabka mucaawinada u sidey dadkii ka badbaadey… Guji… July 14, 2005

Badda waxaa taala Isbaaro. Cirka waxaa yaalla Isbaaro. Labadaasba waxay u yaalaan qolyo hada sheeganaya iney dowladda ku jiraan, ama kamid ah liiska wax-garadka bulshada Xamar ku nool.

Dekedii weynd ee Muqdisho waa xirantahay, waxaa naloogu sheekeeyey iney muran Siyaasadeed u xiran-tahay. Hadday taasi dhab tahay maxay Dekedaha kale ushaqay-nayaan? Oo waliba kooxa isku haya xamar oo dhan aysan uga hor imanaynin. Waxaase ka sii daran labada gole ee Muqdisho joogana aysan u socon iney ka hadlaan. Kaliya waxaa la rabaa in hadalka lagu soo koobo wiilka yarka ah ee aan hadafka weyn lahayn, dhaqaalaha badanna uusan soo galin.

Garoonkii weynaa ee Caasimadda waa xiran-yahay, isna khilaaf Siyaasadeed ayuu u xaniban-yahay baa nalagu yiri. Hadana waxaad arkaysaa garoonno kale oo shaqaynaya oo ay noloshii qaarkeed ka socoto. Aaway kolka khilaafka jira ee dekedda weynna diidaya, kuwa yaryarna fasaxaya. Mise xaalku waxaa weeye. Waxaan heshiis ku nahay ka hortagga maslaxada guud, iyo dhiiri-galinta danta shakhsiga ah.

Dulaan ba’an ayaa lagu qaaday Isbaarada jidadka taalla. Wiil ay Isbaaro utaalay ayaa lagu yiri qaad jid-gooyadan wuxuu yiri maxaa dhacay? Shacabka ayey dhibaato ku haysaa ayaa la yiri? Aniga shacabka ma dhibaateyo ee canshuur yar ayaan dadka ka qaata, ee sabab macquul ah ii sheega ayuu yiri. Ceeb siyaasadeed ayey ku tahay Muqdisho ayaa loogu jawaabay. Isbaaradda Badda iyo tan Cirka miyaa Caasimadda ceeb ku ah? Mise Isbaaraddan aysan beesha caalamku arkaynin ayaa magaalada ceeb ku ah? Ayuu yiri.  Wuxuuna uraaciyey. Hadaad dhabta rabtaan, haddii lasoo wada xiro dekedaha ay ganacsatadu samaysteen iyo garoon-nada ay Wasiiradu leeyihiin tan jidadka weyba iska xirmaysaa, oo anagu halkaas ayaan shaqo u doonanaynaa.

WAA-WAREEY. WAA-WAREEY. WAA-WAREEY. 

Qaylo dhaan ayaan sidaa. Yaase iga maqlaya? Khatar baan ka digayaa. Yaase igu waafaqsan ineyba khatarta tahay? Waa-wareey. Waa-wareey. Waa-wareey.

Maxaan u iri sidaas?

:::C/RAXMAN XARIIRI:::

 Jawaab: “Khudbadii Madaxweynaha”: Khudbadaadii mala awaalka ahayd waa la xafidayaa ilaa laga helayo cidii… Guji…

:::DUULIYE: XAAJI DHAGAX:::

 Dhambaal ku socda C/Risaaq Xaaji Xuseen oo uu qoray Duuliye Sare Xaaji Dhagax ayaa ku bilowday sidan: Bal Garwaaqso, Warankaad Gantiyo Gadaha Aad Joogto.. ka Akhri halkan… Guji…

:::ASAD CADDAANI:::

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka C/laahi oo wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayo Bush Ku Soo Dhaweeyey Garoonka Muqdisho.. Caddaani

:::ABSHIR BACADLE:::

 Muxuu Abwaan Abshir Bacadle ka yiri Maqaalkii “Khudbaddii Madaxweynaha” Soomaaliya ka akhri halkan… Guji…

::JAWAAB KU:  C/RISAQ XAAJI::

 Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji

dadbadani waxay ka rajaynayeen inuu dhex dhexaad ka… Guji…

Mudane Isxaaq  eeg cidda aad ka daba hadleyso | M. C/llaahi

»Abdirisaaq Haji Husein Geesi ku Mintiday wadaniyad | Diiriye

Ma’aqaano meel aan ka bilaabo marka uu nasiib-kaygu noqday in xiligan aan noqdo qoraa isku daya inuu faaloo-yin darteed qalin iyo warqad u qaato.

Ma siyaasad ayaan wax ka qornaa, oo ah mid ay hor boodayaan koox aan istaahilin iney Soomaali hogaamiyaan?

Ma cadowga dalkeenna ku soo socda ayaan ka digaa, si’ay jiilasha danbe u bad-baadaan?

Ma diintii Islaamka ee aan si wacan u dhaqan-galin baan dadweynaha u tilmaama?

Ma 15. Sano oo aanan lahilin Dowlad caga-dhigata baan sheegaa sababta keenta iyo cidda ka danbeysay?

Ma dowrkii Culimada Soomaaliyeed oo maqan baan boorka ka soo jafaa?

Runtii dhibaatooyin ay dhici karto iney intaas qayb ka tahay ayaan lakulmaa markaan damco in aan wax ka qoro xaalka dalka Soomaaliya.

Qiyaamadu iney soo dhawdahay tilmaamihii uu Nabi Maxamed S.C.W. u sheegay waxaa kamid ahaa in ruuxu uu qof dilo, isagoon aqoon sababtii uu u dilay. Xadiiskaas adoo arkaya, hadana xusuusta xaaladda Soomaaliya imisa qiso ayaad ogtahay oo ay laba qof ama laba beelood isu laayeen, ayagoon aqoon sababtii ay isu baaba’sheen.

Waxaan gaarnay in aan u ekaanno qoladii ilaahay Suurayada Maryam ku sheegay Aayadda 81( Waxay yeesheen ilaahay sokodiis ilaahyo kale, si’ay sharaf ugu raadiyaan) kuwan hubka waaweyn sita, miyaynan qabaa’ilku daba fariisan si’ay sharaf ugu soo ceshadaan? Miyeysan moodayn inay iyaga dartood ku heleyaan maamuska ay beeshoodu istaahisho?

Gaddoon-ka umadaha waxaa lagu gartaa, intooda wax garanaysa ayaa li’ata, kadibna xilmakase-yaal ayaa isu soo hara, kolkaasay tirtirmaan intii soo hartay. C/Qaadir Yaxye wuxuu yiri: Xamar waxa ka jira waa nolol duur-joog oo kale, waxaa lagu leeyahay hebel hebel baa dilay, misana waaba iska caadi, oo sidii dhurwaayadii ayaa la’iskula daganyahan. Hadalkaas intuusan dhiman ayuu yiri Yaxye. Laakiin dhurwaagii isaga ayuuba cunay.

Isla-maalin-taasna waxaa la dilay Sheekh kamid ahaa Culimaddii Maxkadamaha Islaamiga ahaa, oo hadana si sahal looga gudbay.

Sh. Maxamed Muumin isna habeenkii Sabtida ayuu dhurwaagii cunay, labadii wadaad ee la socotayna hilbahoodii ayuu goos-goostay, oo waaba dhaawac ilaa iyo hadda.

Maxamed Muumin iyo C/Qaadir Yaxye waxay indho u kala’ahayeen laba qaybood oo bulshada Soomaalida kamid ah. Qaybta Culimada Diinta ayuu Maxamed Muumin muuqaal wanagsan u ahaa. C/Qaadir Yaxyena qaybta Aqoon-yahanka ayuu muuqaal wanaagsan u ahaa. Labadoodiiba dunida waa ka maqan-yihiin maanta.

Qiimaha nolosha hadduu lumo, maxaa soo haraya oo aan ilaashannaa? Xamaray sidee laguu xaal-mariyaa ayaa hadda ka hor la’is weydiiyey, oo Fanaan Soomaaliyeed ayaaba tiriyey tixo macnahaas leh, waxaase muuqata oo saxna ah in xamar laga rabo iney dadka Soomaaliyeed ay iyadu xaalmariso, oo Xamar intaan oo danbi ah ayaa loo haystaa.

  1. Toban kamid ah Culimaddii Soomaalida dhig-goodii oo xaq-darro ah iyadaa lagu daadiyey.
  2. Dowladdii Soomaaliyeed iyadaa lagu dumiyey. Ilaa iyo hadana iyadaa hor-taagan in dowlad loo dhanyahay lahelo.
  3. Boqol-soon Allaha u naxariistee iyaduu ku duugan-yahay, Shariif C/Nuur isagoo da’ ah ayaa xabad lagu dhuftay, taasoo xanuun aan ilaa hadda ka harin ku reebtay.
  4. Prefes Abyan iyadaa lagu dilay. Qoraagii Ibraahim khooli iyadaa lagu dilay. Dhakhtarkii ay Shaati-guduud walaalaha ahaayeen sidoo kale.

Marabo inaan wada tiriyo, waayo waa cashar dheer oo aan la soo koobi karin, mise xanuun badan.

Culimadda Soomaaliyeed gaar-ahaan kuwooda xamar ku sugan, maalmahan-danbe lama fahmi karo sababta ay la’aamusan-yihiin. C/Qaadi Yaxye iyo Wadaadkii Maxkadama ayaa 24.saacadood gudahood la dilay, ilaa iyo hadda warkooda lama hayo. Sh. Maxmed Muumin ayaa la dilay maxay ka qabteen ilaa iyo hadda? Aaway ilaalintii dhiigga muslimka? Aaway dowrkii hanuunti ee ay Culimadu lahaayeen? Mi xisaabaad Siyaasadeed ayaa jira oo u diiday iney sheegaan hadalka eebe ee qeexaya siday xaaraan u tahay daadinta dhigga qof muslim ah.

Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo…

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan… Guji… [PDF– waxaad u baahan tahay “Adobe Acrobat Reader” si aad qoraalkaas u daalacatid]

Suuradda Al-Nisaa’ Aayadeeda 93.aad wuxuu ku sheegay Ilaahay ruxii qof Mu’min ah si kas ah u dila shanta  ciqaabood ee uu mudanayo.

  1. Abaalkiisu oo ah Jahannamo . 2. Inuu ku waarayo Jahannamo. 3. Inuu Ilaahay u caroonayo. 4. Inay lacnaddii Ilaahay ku dhacayso. 5. Inuu u diyaarinayo cadaab weyn.

Intaas oo ciqaab ah majirto cid kale oo uu Quraanku u sheegay iney ku mutaysanayaan danbi ay faleen dartiis.

War kuwii dilay C/Qaadir Yaxye oo Salaadii Cishaha tukaday, oo Salaadii Subaxna sugayey, oo Xajkii dhawaana Bayt-ka ilaahay ku soo gutay.  Iyo Sh. Maxamed Muumin oo ahaa nin 24.Saac ku hawlanaa faafinta Islaamka, oo marka la dili-doonana Salaaddii Makhrib soo tukaday. Cishihiina usoo laaban rabay.  Maxay naga mudan-yihiin? Miyeynan hal mudaa-haraadna u samayn karin?

Allow u wada naxariiso. Janadaadana geey. Xamarna xaqa usoo celi. Xalaalay-siga dhiigga Muslim-kana ka qabo kuwooda sidaas caadaystay.

Qofkii wax garda xamar waa lagu dilaa, hadaad rabto inaad noolaato, misena aad rabto inaad Muqdisho ku nagaado, waxaan kugula talinayaa, hanoqonin qof bulshada dhexdeeda macna ka dhexleh, haddii kale sababihii geeridaada adiga ayaa keensaday.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button