Faalladii HoreFaalloo

Madaxweyne William Ruto

Ruto: Madaxweynihii Ugu Horeeyay ee Soomaalida Kenya u Garsoora

Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya. 

Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil. Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah. 

Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.

Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya. 

William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa. Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday. 

Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madxaweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida. Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka. Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida.

Maadaama aan qayb noloshayda kamid ah la noolaa shacabka Mandera, si dhaw baan u dareemayaa farxadda shacabkaasi walaalaha ah taasoo ah mid aysan ka helin afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button