Laga Qoray Fahad

Waa kuma Fahad Yaasiin, macallin dugsigii weriyaha noqday ee ay haatan isku jawaabayaan Jabuuti?

Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu daabacay uga hadlay madaxweynaha dawladda jabuuti CIsmaaciil Cumar Geelle iyo xiriirka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dawladda uu hugaamiya Soomaaliya.

Fahad ayaa qoraalka ku dhaliilay madaxweynaha Jabuuti, isaga oo sheegay ‘in uusan u wanaagsanayn dawladnimada Soomaaliya’. Qoraalkiisa ayuu ku xusay qodobo uu ku dhaliishan yahay madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil CUmar Geelle.

Haddaba waa kuma Fahad Yaasiin, macallin dugsigii weriyaha noqday ee ay haatan isku jawaabayaan Jabuuti?

Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo.

Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button