Ashraf Ghani macalin dhawrsanaan iyo hufnaan ku tilmaaman buu ahaan jiray. Wuxuu ceeb iyo anshax xumo u yaqaanay boobka hantida dadweynaha. Wuxuu garab siin jiray dadka fuqarada ah, talo iyo barnaamijyo ayuu u gudbin jiray Hayโadaha Maaliyadda Adduunka, waana lagu dhaqmi jiray.ย
Markii loo doortay Madaxweynaha waxaa halmar kasoo if baxay dhaqamadaan cusub;
- Sumcaddii iyo sharaftii in la ilaaliyo waxaa ugala muhimsanaaday gaarista danihiisa iyo hirgalinta goโaannadiisa.
- Wuxuu shaqada ka eryey boqol Sarreeyo Guuto, 50 Siyaasi, 40 Garsooreyaal iyo Xeerilaaliyeyaal, wuxuuna kuwada baddalay dad xigtadiisa ah, iyo dhalinyaro aanan talo keen noqon karin oo la sarqaansan xilalka loo dhiibay.ย
- Socodsiinta hawlaha dowladda waxay isku badashay madax ka nool, oo amarkiisa unbaa la wada sugaa, mana jirto cid curin ama fulin shaqo yeelan karta. Waxay gaartay heer uu dalbaday dajinta qorshe magaalada qashinka looga nadiifin karo. Waa loo keenay qorshihii oo ka kooban 500 oo bog, galkii wuu wada akhriyey, taladiisana wuu ku dul qoray.
- Shaqaalaha dowladda cabsi joogta ah ayey kula noolaayeen. Wuxuu xafiisyada dowladda heer walba ah geystay qof u xilsaaran bixinta qandaraasyada, si loogu naas nuujiyo qoysaska iyo qaraabada Madaxweynaha.
- Wuxuu aad u quursan jiray garaadka madaxda kale ee qaranka. Cabdalla Cabdalla oo hayey jagada u dhiganta Raโiisul Wasaaraha warbaahinta ayuu kala socday goโaannada uu gaarayo Madaxweynaha, markay isla fadhiyaanna wuxuu ula macaamili jiray sidii Agaasime waaxeed oo kale.ย
- Wuxuu dalkii ka cararay iyadoo lawada karaahaystay. Colaaddii ka dhalatay hab dhaqankaas waxay sababtay in cid walba loo adeegsado sidii xukunka looga tuuri lahaa.





