Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalkaΒ Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare.Β
Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda;
- In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.Β
- In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.Β Β
- In uu ku dhawaaqo inuusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.





