Faalladii HoreFaalloo

๐‘ด๐™๐‘ช๐˜ผ๐‘จ๐™๐‘จ๐˜ฟ๐‘ฒ๐˜ผ ๐™ƒ๐‘จ๐™‡ ๐˜ฝ๐‘จ๐˜ผ ๐™Ž๐‘ฌ๐™€๐‘ฎ๐™๐‘จ๐™”, ๐‘พ๐˜ผ๐‘ณ๐™„๐‘บ๐™€ ๐˜ฟ๐‘จ๐˜ฝ๐‘จ ๐‘ธ๐˜ผ๐‘ฉ๐˜ผ๐‘บ๐™ƒ๐‘ฌ๐™€๐’€ ๐‘ณ๐™€๐‘ฌ๐™”๐‘ฐ๐™ƒ๐‘ฐ๐™„๐‘ต

Shanta Fariimood ee Shirka Ankara: Fursad iyo Feejignaan

Waxaa qurux badan in doodaha mucaaradka ay ku qotomaan afkaar iyo aragtii eeย  aysan noqonin mucaradnimo soo taagan kaliya.ย ย 

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh lagu diidan yahay hirgalinta dastuur aan la isku raacsanayn iyo doorasho aan heshiis lagu ahayn, sidee baa loogu hambalyeynayaa Axmed Madoobe, oo la ogyahay inuusan qabanin doorasho xalaal ah oo hufnaan iyo wada tashi aan ku dhisnayn, isagoo baddalay dastuurkii Jubaland, uuna toshay shaar la eg oo u ogolaanaya inuu xilka u tartamo laba jeer wax ka badan.

Mucaaradnimo ku dhisan ku xumayn waxay dhashaa inaad lumiso jihaynta siyaasada, saxna maahan iney dhaqan noqoto in la taageero maamullada markay sharciga ku tumanayaan, iyadoo haddana Dowlada Federaalka lagu maagayo markay ku kacdo isla ficilladaas.ย 

Waxaa ku habboonย  mucaaradka aragtiyadooda inay dhinac isku raacdo oo ay mabaadiiโ€™ ku saleysan yihiin si mowqifkooda iyo qowlkooda loogu kalsoonaado.ย  Waxaa iga suโ€™aale goormaan gaaraynaa mucaarad ku dhisan qiyam iyo mabaadiโ€™ joogta ah?ย 

Xanuunka ay leedahay mucaaradnimo noocaas ah waxaa laga warsan karaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dhibbane u ah khudbadihiisii waaguu mucaaradka ahaa.

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐›๐š๐ซ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š๐š ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐ซ๐จ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐;

  1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.
  2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.
  3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.ย 
  4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.
  5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.

 

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button