Alle ha u naxariisto Guddoomiye Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu lahaa maskax dowladeed. Hadda kahor ayaa waxaan weydiiyey inuu iisheego halbeega uu kula dhaqmo siyaasiyiinta.
Marka hore adiga fikirkaada aan maqlo ayuu igu yiri.
Waxaan ugu jawaabay., “waa saddex isku xigta. Is aaminaad, wada shaqayn, keddibna ay ka dhalato is barasho.”
Intuu aad u qoslay buu igu yiri, “xageed ku ordaysaa waadba da’ yar tahaye?”
Wuxuu yiri “aniga hal beegga aan ku dhaqmaa waa saddexda aad sheegtay oo si tartiib ah loo kala hormariyo. Wada shaqayn, is barasho, ugu dambeyna is aaminid.”
Mudane Jawaari muusan ahayn nin siyaasadeed kaliya ee wuxuu ahaa nin dawladeed. Khibaraddiisa shaqo ee kontonka sano ka badan waxaa u udheerayd aqoonta uu u lahaa diinta Islaamka iyo afkeenna hooyo.





