Maqaallada

ISBARBARDHIGA LABA CALI: GEEDDI IYO GALAYDH.

Labadooda magac waa wada Cali. Kan awoow-goodna wuxuu ka bilowdaa xarafka G. mid waa shinbir lagu faashado oo waa Galaydh-ka, midna waa socdaal joogta ah oo waa Geeddi-ga. Darajadoodu waa laba Profesar. Xirfadooduna waa laba macalin. Taariikh-dooda shaqana midi waa waxbarasho iyo siyaasad oo waa Galaydh, kan kalana waa waxbarasho iyo N.J.O. oo waa Geeddi. Halka ay gaareenna waa laba R/Wasaare oo ay dalka Soomaaliya u noqdeen oo uu Galaydh horay usoo noqday Geeddina hadda yahay.

Galaydh wuxuu si dhamays-tiran uga qayb-qaatay shirkii Soomaalida ee Carta, wuxuu kamid noqday musharaxiintii jagada Madax-tinimada, kadib ayuu helay jagada R/Wasaaraha oo ku hantay gorgortan siyaasadeed. Geeddi si rasmi ah ugama qayb-qaadan shirkii Soomaalida ee Eldoret iyo Nairobi. Markii ay wax waliba dhamaadeen ayuu cirka ka soo dagay.

Geeddi goortii xilkan R/Wasaaraha loo dhiibay, waxaa loo arkay inuu sokor dha-dhan-ka ka badasha uu ka dhex-noqdo baddii kharaarka badneynd ee dagaal-oogayaasha. Galaydhse koox aqoon-yahan u badan ayuu R/Wasaare ka dhex-noqday, sidaas awgeed isaguna macaankii ayuu sii kordhiyey.    

Galaydh dowladiisii gudaha Soomaaliya ayuu ku dhisay, waliba magaalada xamar oo ah caasimaddii Soomaaliya. Geeddise dalka dibadiisa ayuu ku dhisay dowladiisa gaar’ahaan caasimadda Keenya.

Galaydh isaga ayaa sitoos ah u wada xukumay dhamaan xubnaha golihiisa ka tirsan. Geeddise wuxuu si toos ah uxukumaa inta Siyaasad ahaan isaga raacsan.

Galaydh intuu jagada hayey wuxuu tallaabo weyn ka qabtay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wuxuuna aad u yaqaanay lahadalka R/Galbeedka iyo guud-ahaanba jeedinta khudbooyinka raadka ku reebta dowladaha daneeya Soomaaliya.

DAWLADDA FKMG:: LAGU SOO DHISAY KENYA

C/Lahi  

Geeddi  

Sh. Xasan

DAWLADII KMG: LAGU SOO DHISAY JABUUTI

C/Qasim  

Galaydh  

Deerow

Geeddi-se sanad ayay ku dhawdahay intuu xilka hayo, walina kama uusan khudbaynin Golaha Ammaanka ee Newyork, ama xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira,

Galaydh wuxuu meel cad saaray faraga-lintii Itoobiya, wuxuuna ku khasbay inay dhulka Soomaaliya ciidan-ahaan uga baxaan, isagoona tusay indhaha beesha caalamka, wuxuu gaarsiiyey in shirkii golaha ammaanka uu ka codsado in Safiirkii Itoobiya laga saarayo fadhiga.

Geeddi wali lama arag isagoo ka hadlayo faraga-linta Itoobiya. Bil-caksi Adis Ababa ayuu dhawr-jeer booqday.

Galaydh intuu xilka hayey wuxuu xoogga saaray wada-xaajoodka hogaamiye-kooxeed-yadii Muqdisho, wuxuuna awooday inuu dowlada ku soo daro Qanyare, soona dhawaysto Xuseen Bood.

Geedise ilaa iyo hadda wuxuu kari la’yahay ineyba is fahmaan golihiisii Wasiiradda oo ah kuwa xamar hubka ku haysta.

Galaydh intuu xilka hayey waxaa dowladisii soo gashay lacago farabadan oo ay dunida ugu deeqday, wuxuuna u dhaqmi jiray qaab-dowladeed. Geeddi-se ilaa iyo hadda deeq labataaban karo kama helin dunida,  wuxuuna ku socdaa kaalmada Hay’adaha U.N.ta.

Galaydh wuxuu aad u yaqaanay dastuurkii Carta, sidaas darteed wuxuu xooga saaray inuu si dhamaystiran ugu dhaqmo inta uu kuleeyahay dastuurkaas. Geedi-se sida uuba sheegay Madaxweynaha Soomaaliya maalintii uu codka uga radinayey Barlamaanka oo uu yiri. Geedi sidii aan u magacaabayba hal baalma kama soo rogin dastuurkii uu dalku dajistay. Taasoo ku timid markii uusanba akhrin qodobkii uu Barlamaanku u tiig-saday ridistiisii.

Galaydh wuxuu go’aan-saday in isaga Madaxweynuhu ay ku kala ekaadaan hadba inta uu mid waliba ku leeyahay dastuurka u qoran qaranka, taasoo keentay iney isku dhacaan, kadibna xilka laga qaado.

Geeddi-se sida uu dhigayo dastuurkan cusub wuu ka’awood badan-yahay waagii Galaydh, shaqada dowlada oo dhan isaga ayaa iska leh, nasiib-darro ilaa iyo hadda lama’arag dawrkiisii siyaasadeed, ama awoodda uu leeyahay isagoo isticmaalaya.

Galaydh waagiisii Guddoomiyaha Barlamaanku wuxuu ku koobnaa oo kaliya sharci-dajin, wixii fulin ah waxay u taalay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha. Taasna waxaa sabab u ahaa awooddii R/Wasaaraha oo noolayd.

Geeddi-se waxaa xiligiisan siweyn u muuqday dowrka Gudoomiya Barlamaanka, taasna waxaa sabab u ah awoodii R/Wasaaraha oo dhimatay, oo misana si dhamaystiran masraxa Siyaasadda loogaba waayey shan-qartiisii. Waxaan hada maqalnaa oo kaliya dowladu waxay u qaybsan-tahay laba kooxood oo ay Madaxwey-naha iyo Guddoomiyaha kala hogaaminayaan.

Geeddi waa R/Wasaaraha Soomaaliya hadana haysta kalsoonidii Barlamaanka, wuxuu intii muddo ahba aqoon-yahan iska ahaado, si fudud ayuu ku helay inuu gaaro jagadan dastuuriga ah. Arinta layaabka noqotay waxay tahay, tan iyo markii lamagacaabay waxaa la waayey muuqaal Siyaasadeed oo uu isagu si gooni ah u leeyahay, marmar ayuu hadlaa markaasna wuxuu ku soo celiyaa hadalo uu horay u yiri Madaxweynuhu.

Waxaa aad loo jeclaa in R/Wasaaruhu is ticmaalo 100%  awoodiisa dastuuriga ah, si loo helo dheeli-tir siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

Haddoo la’is khilaaf-sanyahay dowrkiisii waa maqan-yahan, haddii la heshiiyana jagadiisa ayuuba lumen-doonaa, marka maxaa faa’iido u ah?

Wuxuu faa’iido ku heli karaa oo kaliya inuu akhriyo, oo uu xifdiyo, kadibna ku dhaqmo dastuurka dalka u qoran, oo ay ku cadahay in uu Madaxweynuhu isaga kaga awood badan-yahay hawsha fulinta, wuxuu kaloo ogaanayaa in Madaxweynuhu uusan xilka ka qaadi karin, waana midda la’isleeyahay Geedi wali si fiican uma ogaanin, umana hubsanin, sidaas awgeed culimada sharciga waxaan leenahay R/Wasaaraha ugu dhaarta inuu Madaxweynaha ka awood badan-yahay.

MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH HAL BIL HALOO QABTO.

Dadaal caalami ah iyo mid gudaha wadanka ahba waa loo galay sidii Xamar loo xalin-lahaa, intii talaabo ee laqaaday midna ma’aysan mira dhalin. Waxay ku dhawdahay iney quusasho gaarto xal u helida Muqdisho.

Hadda kahor dhawr jeer ayaan tilmaanay heerka ay le’egtahay nolosha khaldan ee ka jirta Caasimaddii Soomaaliya, asalna waxaa u ah, nabad-galayda xumida ka jirta magaaladaas, oona sal dhig u noqotay dhibaatada guud ee ka jirta dalka oo dhan, maadama ay tahay ishii wadanka laga arkayey. Hadaba fool-xumadani waxay dalka oo dhan ka bixisay fikrad xun.

91dii ilaa iyo hadda Xamar ma’aysan helin hal nadaam oo ka taliya. Jabahadii U.S.C. halkii ay maamul ka samayn-lahayd waxay ku mashquushay sidii beelaha qaar loo bursan-lahaa, oo hardan qabiil ayey galeen. Ciidamadii caalamiga ah ayaa iyaguna yimid, laftooduna waxay qayb ka noqdeen dagaal-oogayaashii caasimada kajiray, waana iyagii dagaaladii sokeeye kaqayb-qaatay.

Jen Caydiid wuxuu ku dhintay Xamar isagoo sheeganaya Madaxweyne Soomaaliyeed. Cali Mahdi oo ka horeeyey wuxuu wakhtigii ka dhamaaday isagoon Waqooyiga Muqdisho soo dhaafin, ilaa uu hadda gaaray inuuba siyaasadda isaga baxo.

Maamulka gobolka Banaadir hala dhiso ayaa la yiri. Hogaamiyaha Liibiya Qadaafi ayaa diyaar u ahaa inuu maal-galiyo, tiina waxaa hor istaagay qaar kamid ah hogaamiye-kooxeed-yadii awooda-lahaa.

C/Qaasim oo Carta loogu soo doortay Madaxweynaha dalka isna wuuba u gudbi-waayey inuu hanto hogaanka siyaasadeed ee Xamar, wakhtigiisiina wuxuu ku dhamaaday is jiid-jiidkii dagaal-oogayashii Muqdisho.

Madaxweynaha haddeer Mudane C/Laahi Yuusuf isagu indhaha ayuuba kalaabay, umaba socdo ayuuba yiri, iskadaa inuu wax ka qabtee, inuu aado ayuu diiday, xalka kaliya ee uu u hayana waa in ciidan-ahaan gacanta loogu dhigo. Taasna hadday sidaas tahay, maxaa xal u ah  caasimaddii Soomaaliya.

Burburkii dalka kadib, muuqaalada ku soo kordhay dalka waxaa kamid ah Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka hirgalay gobo dhawr ah oo dalka kamid ah.

Guud-ahaan Maxkamaduhu waxay muujiyeen in la’abuuri karo nabad-galyo aan siyaasad ku xirnayn, oo ah in la dhiso hay’ado nabada ka shaqeeya iyagoon koox gooni ah u shaqayn, han siyaasadeedna uusan ku jirin, oo waxay tusaale u noqdeen, xal raadin aan ku dhisnayn xukun-doon.

Marka lasoo hadal-qaado Maxkamahada Islaamiga ah wixii ay qabteen waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa tii ugu horeysay ee laga’aasasay waqooyiga Muqdisho ee uu hogaaminayey Sh Cali Dheere, deegaa-nadaas waxay gaarsiiyey nabad-galyo aan taariikhda Soomaalida soomarin. Cali Mahdi ayaa burburiyey isagoo siyaasadeeyey hawshii ay hayeen, isna inkaartii Makxamadaha ayaa ku dhacday, oo banaanka ayuu uga baxay siyaasadii.

Dalka oo dhan meeshii laga aasaasay nidaamkan Islaamka ku dhisan, waxaa lagu gaaray nabad waarta, iyo kala danbayn, taasna waxaa sabab u ah laba arimood.

  1.   Xalka ay soo bandhigayeen oo ku salaysnaa Shareecada Islaamka, taasoo keentay iney iswaafaqaan noloshii dadka iyo sidii uu ilaahay ugu talagalay dunidan, taasna waxaa dheer danbiiluhu marka uu hubo in lagu kala baxayo caqiido iyo diin, oo aysan jirin laaluush iyo qabyaalad, wuxuu ku talagalaya inuusan galin raad danbi leh.
  2.   Ragga hormuudka u ah Maxkamadaha Islaamiga ah oo aan muujinin han siyaasadeed, sidoo kale aan sheeganin iney iyagu deeganadaas siyaasad-ahaan u matalaan ama rabaan iney matalaan. Taasi waxay dhashay in shacabku ka rumayso iney daawo wadaan oo kaliya ee aysan danahooda u socon.

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button