Talo ma’idin siiyaa? Aniga dagaal-oogaa la’idhaha. Dantaydu waa saan. Horumarkaygu waa dowlad la’aan. Hadaad badbaado rabtaan warkayga ha dhagaysanina. Dantiina ciddii matali lahayd ordoo doonto. Haddii kale waligiin saan ahaada, anna saasaa ii fiican. Aan aragno ninkay dhibto.
TALO DANTIIS OOGE.
Talo ma’idin siiyaa.? Aniga iyo adinku isku dad baan nahay, dowlad waan rabaa. Madaxnimo waan doonayaa. Laakiin meeshaan u socdo ma’aqaan. Indhahaa ii xiran ee sidaas ma’igu dabagalaysaan? Wixii aniga iga danbeeyaa mustaqbal-kooda ma’aqaan ee maku nasiib-sanaysaan?
TALO MUWAADIN.
Dowlad hadaad rabtaan marka hore dagaal-ooge daadsha. Dowlad hadaad rabtaa marka xiga waxa soo socda kaan ogayan naga erya. Dowlad hadaad rabtaan dad cusub oo idin hogaamiya doonta. Haddii kale xaalku wuxu yahay. Anna wax noqon mayo, kuwa iga soo horjeedana xal mahayaan. Adinkuna cimraa idinku socdo. Yey u daran-tahay marka.
Raboow raxmad keen.