Lubnaan waa dalka Carbeed ee uu ladagay dagaallada sokeeye. 1975.tii ilaa 1989.kii ayuu ka socday iska-hor-imaadyo lagu hoobtay, oo maraba waji lagu dirirayey, shacabka Lubnaan waa kala diin xitaa kuwooda isku diinta ah ayaa sii kala baxaya. Waxay kala haystaan Diinta Islaamka. Kiristanka. Duruuziga. Iyo qaybo kale oo falsafad casri ah ku dhisan. Muslim-kooda wuxuu usii kala baxaa Sunni iyo Shiico oo labaduba awood ku dhexleh bulshada.
Heshiiskoodii ugu muhimsanaa waa kan lagu magacaabo heshiiskii Daa’id ee dalka Sacuudiga, waxaana kamid ahaa qodobadii la’isku afgartay.
- Marwalba Madaxweynaha waxaa leh Kiristanka.
- Marwalba R/Wasaaraha waxaa leh Suniyiinta.
- Marwalba G/Barlamaanka waxaa leh Shiicada.
- Suuriya iney keento ciidan nabadda suga oo dhan 40.kun oo Askari. Waxaana la sheegaa in dowladda Sacuudiga ay bixineysay kharashkaas.
Maadama uu khilaafkoodu caqiido salka ku hayey waxay dhigteen xeerar ay ku kalabaxaan si’aan la’isugu soo xadgudbin. Sheekada Lubnaan waa mid dheer misana meelo badan uga eg xaalada dalka Soomaaliya.
Casharka aan rabno in laga qaato waa midka ciidan ee haddeer ay qayladhaanta weyni ka aloosantahay. Heshiisku wuxuu dhigayaa in Suuriya ay ku ekaato nabad sugid iyo kalacalinta kooxaha dagaalamaya, sidoo kale laba sano iyo bar kadib iney dalka ka baxdo.
Suuriya waxay ku guulaysatay mabda’ahaan, soo celintii nadaamka iyo sugidda ammaanka, taasna waxay ku gaartay dhawr qodob oo isbiirsaday oo ka dhaxeeya labada shacab ee Suuriya iyo Lubnaan.
- Waa isku dad oo waa wada carab.
- Waa isku luqad oo afka carabiga ayey wadagaan.
- Wax colaad ah oo dhexmaray majirin.
- Waxay wadaagaan hal cadow oo labadoodaba dhul kawada hasyta.
- Waxay wadaagaan caqiidada, oo qaybaha diimeed ee Lunbaan ka jira isla iyagii ayaa ka jira Suuriya.
- Waa laba shacab oo isjecel, ixtiraam badanna uu ka dhaxeeyo.
- Waxay taageero buuxda oo dhinac walba ah siineysay kooxaha Israa’iil la dirirayo sida Xisbul-laah.
Asbaabahaas iyo kuwa kale oo kamuhimsan ayaa sabab u noqday iney nabad ku soo dabaasho dalka Lubnaan.
Iyadoo sidaas la isurabay ayey suuriye ku kacday khaladaad ay tabanayaan kooxaha haddeer Mucaaradka ah, waxayna Suuriya ku eedeynayaan qodobo ay ugu muhimsanyihiin kuwa soo socda.
- Waxay abuurtay kooxo iyada taabacsan oo ay Dimashq uga taliso, waxay doontana uga fuliya Bayruut, xukunkiina iyaga ayey u gacan-galisay.
- Waxay banaanka ku daadisay ciddii ka hortimaada Siyaasadda Dimishq, iyadoo baabi’say dhamaan kooxihii ka soo horjeeday Siyaasadeeda.
- Waxay ahayd in mar hore ay ciidankeeda kala baxdo, joogista iyo daahista ciidanka Suuriya waxay u arkeen xoog kuhaysasho Lubnaan.
Qaylo dhaan walba hadday yeertay oo la leeyahay Suuriya haka baxdo Lubnaan monoqon fariin ku dhacda dhagaha madaxda Suuriya. Waxayse xaaladdii cirka isku shareertay markii ladilay R/Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Al-Xariiri, taasoo Suuriya ku khasabtay iney ku dhawaaqdo kabixidda Lubnaan iyadoo u fulineysa siduu dhigayay qodobadii heshiiskii Daa’if.
Hawlahi ciidan ee ay Suuriya ka haysay Lubnaan waxay kala ahaayeen kuwa lagu farxo iyo qaar laga naxo, hadana maanta Suuriya waxay ku khasbanaatay iney isaga baxdo dalkaas.
Ka waran haddii Adis-ababa ay hadeer ku fakarayso iney qabato Muqdisho oo ay hubka ka dhigto? Haddii ciidamo Itoobiyaan ah ay ku guuleystaan iney dadka hubka ka dhigaan sow dalka oo dhan la wareegi-mayaan? Madaxda Soomaalida ee haddeer u yeeraysa laftooda sow lahayste noqon-mayaan oo goortii larabo la tuuri karo ama la’eryi karo.
Itoobiya isku diin manihin, oo Itoobiya lafteeda ayaa ah wadan tirada yar ee Kiristan ah ay xukunto tirada badan ee Muslimka ah. Isku dhaqan manihin oo Soomaalidu Tuunjiga qolka jiifka ma dhigato. Itoobiyaankuna hilibka geela ma cunaan. Isku af manihin oo xitaa labada luqadood isku xuruuf laguma qoro. Taariikhda aduunka ayey Soomaalidu la socotaa. Itoobiyana sanado badan ayey taariikhda dunida ka danbeysaa.
Nacayb taariikhi ayaa u dhaxeeya labada shacab. Colaad mooyee saaxiib-tinimo kama dhaxayso. Xurguf soo jireen ah ayaa abuuran oon degdeg lagu daaweyn Karin. Soomaalidu qofkey caaya-yaan ayey dhahaan Amxaar-yahow. Dagaallo lagu wiiqmayna wey dhaceen.
Itoobiya waa Deked la’aan. Yaa nooga celinayo Dekadaha hadday hubka ka dhigto Soomaalida? Milas Zinaawi 14.Sano ayuu xukumaa Itoobiya, cidkale iney hadasho ma’ogola, hadaba nin dalkiisii Dimuqraadiyad ka hirgalinwaayey miyaa Soomaali inta hubka ka daadsho dib ugu soolaabanaya dalkiisa? Ma danta Soomaalida oo kaliya ayaa wada Zinaawi?
Waxaanu ognahay Itoobiya ineysan ahayn Ha’yad Samafal ah marka ay ka qaybqadaneyso hubka dhigista Soomaalida. Dano ayey leedahay oo ay fushaneysaa. Hadaba danahaas iney ku hesho iyadoo gorgortan la galaysa shacabka iyo maamulka Soomaalida iyo iney hesho iyadoo wadanka oo dhan wada qabsatay keebay maslaxada ku jirtaa?

Qoraalkan waa maqaal hore, wuxuu soo baxay taariikhdu markay ahayd Mar 7, 2005