Intii aan joogay waxaan dareemayey sidii nin jooga magaaladiisa maadama ay tahay magaalo Soomaaliyeed. Mid kamid ah saaxiibaday ayaa igu yiri: Sideed Hargeysa ku timid adoo og waxaad ka qortay? Miyaadan baqayn? Anna waxaan ku iri: Waxaan sheego kama kulula inta uu Faysal Cali Waraabe dowladda ka sheego. Waana meel Dimuqraadiyad curdan ahi ay ka jirto.
Arintii Samsam ayaa ahayd sheekooyinka loogu hadal haynta badanyahay. Marar badan ayaan lakulmay dad kala duwan oo ka sheegnaya Somalitalk, qaarkoodna ay magacayga sheegayaan oo ay leeyihiin hadallo aad u ad-adag oo meel ka dhac ku ah Bogga Somalitalk iyo Qorayashiisaba. Waxaase aniga farxad ii ah in Somalitalk iyo qorayaasheedaba laga akhristo Hargeysa, ha’ahaadaan kuwa necab iyo kuwa jecelba. Sidaas waxaan u leeyahay Hay’ad kasta oo warbaahineed waxay horumar u aragtaa hadba sida ay u bataan dadka yaqaan, iney necebyihiin ama ay jecaylyihiin hadafku ma’ahan.
Wasiir ka tirsan Dowladda ayaa igu yiri: Bogga Somalitalk waxaan fahmi weynay hadafka uu kalahaa buun-buuninta arinta gabadhan Samsam. Wuxuu intaas ku daray mindhaa mar danbe uma noqono fal noocaas oo kale ah. Waxay hadda naga taagantahay in aynan qof danbe mar danbe isugu dhawaan, illeen balaayo kuwan oo kale ah ayaa toosh nala daba-fariisanaya.
Sheekooyinka joogtada ah waxaa kamid ahaa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Nairobi lagu dhisay. Shacabku wuxuu la jiray kooxaha diidan in Itoobiya la keeno gudaha Soomaaliya. Waxayna uqaybsan-yihiin laba qolo. Qoladda koowaad, waa ku ay ka tahay dal jacayl iyo wadaniyad dhab ah oo u damqanaya mustaqbalka Soomaaliya guud ahaan. Qolada labaadna waa kuwa leh haddii uu C/Laahi helo ciidankaas Itoobiyana ay koofur u qabato sow anaga nagu soo jeesan mayo oo xoog nagu qabsan mayo.
Xagga waxbarashada waxay gaareen horumar fiican oo dhawr jaamacadood ayaa ka furan, iskuullo muhim ah oo tayo lahna ayaa la’aasaasay. Aqoonyahan badan oo dibadda ka soo laabtay ayaa qayb weyn ka qaatay horumarka aqoonta deegaanadaas.
Fikradii gooni-goosadka wali qaar ayaa ku sii dhagan una badan Siyaasiyiinta. Sheekh Hargeysa dagan ayaa igu yiri: Beerkayagii wax dhaama la soo waayee, hilibkaad sheegayso goormaa lagaarayaa? Waxaan kula kaftamay: Anaguna Beer la’aan wax ma dhisan karno, adinkuna hilib la’aan aqoonsi heli maysaan.
Hargeysa waxaa taalla nimco weyn, waa nabadda qiimaha leh ee aad si raaxa leh ugu noolaaneyso. Waxaase sabab u ah shacabkaas oo si weyn ugu hogaansama odayaasha dhaqanka, taasoo wax badan u sahlaysa in xal lahelo. Puntland waa sidoo kale oo odayadaas ayaa qayb weyn ka’ah xasiloonida taalla goboladaas. Xamar waxay xalka u gaari la’dahay waxaa kow ka ah, hogaan dhaqan oo awood leh ayaan jirin, qabaa’ilka qaarkood, kuwooda ugu xoogga badan xamar, dhaqan ahaanba uma lahan hogaamiye qabiil, oo waa dhawayd ayeyba samaysteen.
Guri la yiri waxaa leh Maslax Maxamed Siyaad ayaan ag istaagay. Waa guri nool, laakiin duug ah, oo aan muddo dheer lagu hoyan. Haweeney ayaa ka soo baxday guri daris la’ahaa, waxaan ku iri: Oo gurigan yaa leh? Kii Ina Siyaad ahaa wiiluu dhalay oo Maslax lagu sheegayey ayaa leh bey iigu jawaabtay. Oo wax dhib ah lama gaarsiin miyaa ayaan ku iri? Eeddo ma waxaad namooday qolooyinka xamar laga sheegayey ee guryaha haysta inaan nahay. Annagu gurgan waxaan ku falayno ma jirto, gurguna waxba nooma dhimin.
Hargeysa marka laga reebo aan goosanno, wax badan oo kale ayaad ku amaani kartaa. Waa wanaag muhim u ah mustaqbalka Soomaalida, una baahan in lagu taageero, oo la bogaadiyo, looguna duceeyo inuu eebbe wanaagaas u siyaadiyo.


