Faalladii HoreFaalloo

Mudane Madaxweyne, isku dhex yaaca ka hor, dadka la tasho.

“Madaxweyne, Waqtigan Dadka La Tasho oo Midnimo La Midoobo”

Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la Iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka. 

Mudane Madaxweyne, hal codsi baan kuu soo gudbineynaa, iyadoo lagaa filanayo inaad soo dhaweyso oo aad aqbasho. 

Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba. 

Madaxweyne, waqtigan maahan xiligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa, waxaan kaa rajayneynaa inaad noqoto odaygii qaranka, oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya.

 

Maqaalada La Xiriira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button