πππππππ:Β In qof masuul ahi uu af buuxa ugu faano inuu galay danbiyada qaranka laga galo mid kamid ah, oo ah in Ciidanka Qaranka xabad lagu rido, misana lagu dhiirado in iyagoo maxaabiis ah sawir laga qaado. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.Β
ππππππ: In Ciidankii Xoogga Dalka uu dal shisheeye iska dhiibay oo uu jab intaas leβeg ku dhacay, misana Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha aysan qaadin tallaabo isla xisaabtan ah, oo ay ula fal galeen sidii dhacdo caadi ah. Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.Β
πππππππππ: Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.
ππ ππππ: Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu door bidayaa la macaamilka Dowladda Federaalka isagoo wax ka baddalay dhaqankii Uhuru Kenyatta. Hase yeeshee, dhacdada Raaskambooni baa is baddal weyn ku keeni karta isagoo ka eegaya dhanka amniga xuduudaha. Waa mahadho kale oo taariikhda ku hari doonta.
ππππππ π πππππππππ ππ ππππππ ππππππ
π ππβππππ: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.Β
π πππππ: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.Β
π ππππ: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq laβaan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.
π πππππππ: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.
π πππππππππ:Β Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.





