Subaxii ay sanadkii hore ahayd 10.Oktobar ayaan aaday garoonka kubadda cagta Kasaraani oo ku yaal Nayrobi, dantii aan u aaday waxay ahayd inaan dhawr Ha’yadood oo caalami ah u tabiyo xogta iyo wararka maalintaas ka dhaci-doona goobtaas, nasiib wanaag Telefan-kaygu wuu ii shaqaynayey ilaa laga gaaro 12.00. Fiidnimo, waxaana la’iga jeebsiibay markii natiijadii lagu dhawaaqay, oo la soo kala dareeray, goor-taasuu midaan xishooneyn anoo maahsan jeebkaygii kala baxay, waxaana ogaaday kolkii aan usoo dhawaaday halkii aan daganaa.
Tobanka Oktobar qofba waxbuu ku xusuustaa. Xil-dhibaankii ay maalintaas ugu horeysay codayn, wuxuu ku xusuusanayaa maalintii ugu horeysay ee uu codeeyo. Intii tartanka Madaxtinimada gashaye ee misana weysay, waxay ugu calaamad-santahay maalintii ay khasaareen.
Waxaa ugu xusuus fiican odaga maalintaas ay guushu raacday, ee magacii uu mudada dheer raadinayey habeenkaas hantay, waxaa isagana garab socda intii taageerada u haysay, sidoo kale intii moodayey inay wax is badali-doonaan maadama nin askari ah dalka loo dhiibay.
Aniguse waxaan ku xusuusanaya habeenkii la’iga jeeb-siibay Mobail-kaygii, oo aan la kulmay khasaare badan, oo ku dhacday shaqadii aan hayey, taasoo ay ii garab-socotay anoo ku qanacsanaa in waxa caawa dhacay aysan noloshii Soomaalida isbadal siyaasadeed ku samayn-doonin, waliba aan u arkayey khasaare hor-leh iyo god cusub oo la qotay.
Maxaa keenay inaan iyadoo Soomaaliya dowlad loo dhisay aan misana ilaawi-waayey Mobil-kaygii? Waan kaaga jawaabi-doonaa.
Tuuggii xaday Mobayl-kaygii wuxuu ahaa tuug hanyar, waayo hadafkiisu wuxuu ahaa, inuu ku iibsado lacag yar oo uu maalintaas ku noolaado, anigase hadaan sii haysan-lahaa waxbadan ayuu ii tari-lahaa, ugu yaraan No-radii muhimka ahaa ayaan ku intifaaci-lahaa.
Xilidhibaanadii habeenkaas codeenayey qaarkood iyo kii aniga iga jeeb-siibay Mobayl-kaygii waxay isaga ekaayeen hanyaradi, oo waxay wax ku doorteen, xoogaa dhaqaala ah oo maalintaas la siiyey, haddiise uu codkiisa iska haysan-lahaa umada Soomaalida wax weyn ayey u tari-lahayd.
Habeenkii subaxiisa la’aadi-doono doorashada, waxay xildhibaanada qaar saf u galayeen musharaxiintii iyagoo mid walba lacag farabadan kaqaadayey, una balan-qaadayey iney codad-kooda siinayaan.
Dowladdii habeenkaas la doortay waxaa maanta oo 10.kii Oktbar ah u dhamaatay hal sano, ilaa iyo hadana waxay qabteenna oo macna leh lama hayo.
Waxaan layaabay sanadbaa idlaaday, intii badneyd Nairobi ayaa lagu dayacay, inteedii kalana degmo Jawhar la yiraahdo ayaa la dagay.
Awal qorshuhu wuxuu ahaa in Baydhabo la dago, laakiin talo-xumo awgeed waxaaba Wasiir-nimo loo diiday mid kamid ahaa qab-qab-layaashii Baydhabo, bal adigu shaxdaas macnee!!. Meel baan dagayaa, aniga ayaana colaadda bilaabaya.
Waxaa sii kala fogaaday intii xubnaha ka wada ahayd golaha Wasiirada, waxaa loo kala baxay kooxda Jawhar iyo kooxda Muqdisho, hadana waxay u baahan-yihiin in shir labaad oo dib-u-heshiisiin ah loo furo, lagana yaabee inuu 2.sano oo kale qaato.
Dhawaan wuxuu golaha amaanku soo jeediyey in shir dib-u-heshiisiin ah la furo, oo kooxaha Soomaalida meel la’isugu keeno. Taas maxay ku fasirantahay?
Maraykankii iyo Midowga Yurubba inuu aqoonsado diyaar uma’ahan, waxayna ku shardiyeen in ay Soomaalidu wada heshiiso. Taas maxay kula tahay?
Carabtu waaba is moogay-siiyeen, shilin dhaqaale ah ma’aysan siinin. Masar iyo Sacuudigu waxay shardi ka dhigeen Soomaali midaysan in la’arko, kolkaas kadib in laga hadli-karaa in wax loo taro. Tanna bal xageen saarnaa?
Dowladu lacag mahayso. Shacabkii mawada raacsana. Sheekhii degmo ayuu marti ku yahay. Awguna N.J.O yadiina kasoo tag, meel nacfi lehna ma’iman. Golihii Wasiiradana kuwooda hubka haystay sidoodi ayey yihiin, kuwoodi awalba shaqo la’aanta ahaana xaalkoodu ayey ku suganyihiin. Taasna maxaa kaaga baxay?
10.kii Oktobar ee 2004 ma’aysan noqon 21.kii Oktobar ee 1969. Waxaanse ka baqayaa iney noqoto 31.Desembar ee 1990. maalmaha ilaahaybaa leh laakiin qaarkood horumar ayaa lagu xusuustaa, qaarnaa dib-udhac ayaa lagu sumadaa, danbigana maalinta malahee cida falka ku kacday ayaa leh.
Su’aashaadii Mobaylka aan kaaga jawaabo. Waxaan u xusuustay laba sababood.
